GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Kenya oo howlgalo ciidamo qabasho ah ka bilaabay Kismaayo.

WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Kenya oo howlgalo ciidamo qabasho ah ka bilaabay Kismaayo.

 Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ee ka midka ah AMISOM ay bilaabeen howlgalo culus oo lagu qab qabanaayo ciidamo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ee xalay dagaalamay.

Ciidamada Kenya ayaa ku wada faafay xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana ay soo qabeen haatan ciidamo badan, iyadoona kuwa kale baadi goobkooda lagu jiro.
Maamulka KMG ee Kismaayo ka arimiya ayaa soo bixiyay amarkaan ah in lasoo wada xiro ciidamadii xalay wada dagaalamay, waxaana howlgalka uu yahay mid si xowli ah u soconaaya.
Dhanka kale maamulka magaaladaasi ayaa ku amray saxaafadda ka howlgasha halkaasi in marnaba aanay tabin waxyaabaha haatan ka socda magaalada Kismaayo iyo dagaalkii xalay dhacay.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash