GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka XULKA KUBADA KOLAYGA SOMAALIYA OO KU HARAY CIYAARTII SAMI-FINALKA EE TARTANKA FIBA ZONE-5+SW

XULKA KUBADA KOLAYGA SOMAALIYA OO KU HARAY CIYAARTII SAMI-FINALKA EE TARTANKA FIBA ZONE-5+SW

 Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo tartanka FIBA Zone 5 ee dalka Tanzania ka socda ka qeybgelaya ayaa waxaa uu soo gaaray rubac-dhammaadka tartanka ama semi-finalka, hayeeshee ciyaartii caawa dhexmartay Somalia iyo Rwanda ayuu xulka Somalia ku haray.

Ciyaartii dhexmartay Xulalka Somalia iyo Rwanda ayaa waxay ku soo gebagebowday waqtigii loogu talagalay 83—85, waxaana ciyaarta finalka u soo gudbay Kooxaha Rwanda iyo Masar. Ciyaarta oo ahayd mid xamaasad leh ayay labada xul ahaayeen kuwo si aad ah isugu dhow oo aan farqi weyn u dhaxeynin illaa dhammaadkii ciyaarta.

Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya ayaa wuxuu horay uga soo badiyay Xulalka Kenya iyo Burundi oo uu si xarago leh uga soo badiyay. Xulka Soomaaliya iyo Xulka Kenya ayaa waxay berri u tartami doonaan kaalinta seddexaad ee tartankan.

Sida uu inoo xaqiijiyay Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalida ee Tanzania Maxamed Shiikh C/llaahi Carab aad ayay u dadaaleen ciyaartoyda xulka Soomaaliya, hayeeshee nasiibka ayaa ka hiilliyay, inkastoo uu dhinaca garsoorka xoogaa dhaliilay.

Daawashada ciyaarta waxaa ka qyebgalay dadweyne aad u faro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo Tanzania u tegay in ay taageeraan ciyaartoyda xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya, sidoo kalena waxaa daawashada ciyaarta ka qeybgalay diblumaasiyiiyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika oo Tanzania u tegay in uu taageeradiis u muujiyo ciyaartoyda Soomaaliyeed, Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania Mohamed Dirie Elmi iyo Xoghayaha labaadee safaaradda Soomaalida ee Tanzania Maxamed Shiikh C/llaahi Carab. Waxaa kale oo ciyaarta wax ka daawanayay Qunsul Sharafeedka Djibouti ee Tanzania Saciid Shaamow.

Sidoo kale waxaa joogay Xoghayaha guud ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Kolayga Maxamed Xaaji Cali, Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, ahna madaxa Wafdiga Saciid Faarax Ducaale, Tababarayaasha Ciyaartoyda Soomaaliya meteleysa C/qaadir Baarajab, Bashiir Fokis, Axmed Muuse iyo mas’uuliyiin kale oo Isboorti.

Ugu dambeyntii Ciyaartoyda Soomaaliya uga qeybgashay tartankan oo u badan kuwo ku koray dalka Soomaaliya dibaddiisa ayaa waxay muujiyeen karti iyo wadaniyad ay ku difaaceen qaranka Soomaaliyeed, iyagoo weliba u awood sheegtay dalal wadamadooda aysan dhibaato ka dhicin intii ay Soomaaliya dhibaatada ku jirtay.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash