Ciidamo Boolis ah ayaa markii u horeysay la geeyay magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan booliska ayaa ka howl bilaabay Saldhiga degmada Marka, iyadoo howl galo amaanka lagu sugayay ka sameynaya.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Cumar Mudan ayaa uga mahad celiyay Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Taliska Ciidamada booliska tallaabadan ay ciidamada booliska looga howl geliyay Marka.
Waxaa uu sheegay in ciidamada booliska ay ka shaqeyn doonaan sugida amaanka, isla markaana ay wax ka qaban doonaan falalka amni daro.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan amaanka, ayna ciidamada la soo xiriiraan hadii ay arkaan waxyaabo lidi ku ah amaanka.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray xaafado ka tirsan degmada Marka falal amni daro iyo qaraxyo, iyadoo maamulka degmada uu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Al-Shabaab
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































