Raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa amray in aan la celin qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallin Dawaare oo u warramay idaacadda VOA.

Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in go’aanka ay dowladdu gaartay ee ah in la celiyo dadka qaxootiga ah uusan ahayn mid waddadii sharciga ahayd loo maray.
Faarax Macallin ayaa tilmaamay in go’aanka noocaan oo kale ah uu marka hore soo maro guddiga nabadgelyada qaranka oo madaxwayne ku-xigeeku uu guddoomiye u yahay, kaddibma golaha wasiirrada la hor geeyo, si wasaaradda ay khusayso ay u fuliso haddii uu sharci yahay.
Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in qaxootiga jooga magaalooyinka Kenya, gaar ahaan Nairobi ay sharci ku joogaan, wuxuuna tilmaamay in dalka Kenya iyo dadka Kenyaanka ah ay dhaqaale iyo ilbaxnimo badan ka faa’iideen dadka Soomaaliya ka soo qaxay.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|








BBC 04:00 GMT 









































