GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka CIIDAMADA HUWANTA OO MAANTA U DHAQAAQAY DHINACA MAGAALIYINKA JILIB IYO BU,AALE

CIIDAMADA HUWANTA OO MAANTA U DHAQAAQAY DHINACA MAGAALIYINKA JILIB IYO BU,AALE

Sida ay warbaahinta ay u xaqiijiyeen saraakiisha Ciidamada Dowladda Sooamaaliya ee ku suggan magaalada Kismaayo waxaa saaka arroortii dhaqaaqay Ciidamada huwanta ah iyo kuwa Kenya ee AMISOM kuwaasoo u ruqaansaday dhanka degmooyinka Jilib iyo Bu’aalle ee gobbolka Jubbada Dhexe halkaasoo ay wali maamulaan kooxda Shabaab.

Gen Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Allwariye Online ayaa sheegay in Ciidamada isgarabsanaya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ay saaka arroortii weerar ay ku doonayaan inay kula wareegaan qaar ka mid ah degmooyinka wali gacanta ugu jira Shabaab ay u dhaqaaqeen, inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego halka ay hadda joogaan Ciidamadooda.

Ciidamada huwnata ah ayaa ka dhaqaaqay halka lagu magacaabo Dalcada Luglow oo qiyaastii 20KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Kooxda Shabaab ayaa wali gacanta ku heysa degmooyinka, Bu’aalle, Jilib, Saakow, Salagle, Kamsuumo iyo deegaano badan oo Jubbooyinka ka tirsan.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash