GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in ay ka xuntahay weerarkii lagu qaaday Buula maree

Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in ay ka xuntahay weerarkii lagu qaaday Buula maree

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay howlgalka afar iyo labaatankii saac ee tagtay noqday hadal heynta ugu badan Soomaaliya, iyada oo ku tilmaamtay in ay aad uga xuntahay wixii dhacay.

Fowziyo Xaaji Yuusuf, wasiirka arimha dibadda Soomaaliya, ayaa waxa ay tiri, “ Waxa aan u tacsiyeyneynaa dowlada Faransiiska iyo shacabkeeda iyo sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ee geerida naxdinta leh ay kasoo gartay weerarkii Faransiisku ku fashilmay ee ka dhacay gobalka Shabeelda Hoose”.

Intaa waxa ay ku dartay in Shabaabka looga dilay weerarkaasi dagaalamayaal badan oo ay kamid ahaayeen kuwii gacanta ku hayay sarkaalkii ahaa sirdoonka faransiiska ee Shabaabku sedaxda sano hayeen.

Waxaa intaa ay kusii dartay wasiirku in dowlada Soomaaliya aysan dhiiri gelineyn afduubka, taa bedelkedana ay soo dhaweyneyso cid kasta oo ladagaalameysa kooxaha denbiilayaasha ah.

Fooziyo macara baabin in dowlada Soomaaliya ay horay ula socotay weerarkii fashilmay ee ay ku doonayeen in ay kusoo furtaan sarkaalkii sirdoonka ahaa ee gacanta Shabaabka ku raagay

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it     This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash