GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka WARARKII UGU DAMBEEYAY DAGAALO DHIMASHO IYO DHAAWAC BADAN DHALIYAY EE KA DHACAY DEGMADDA SEYLAC...

WARARKII UGU DAMBEEYAY DAGAALO DHIMASHO IYO DHAAWAC BADAN DHALIYAY EE KA DHACAY DEGMADDA SEYLAC...

Wararka naga soo gaaraya degmada Seylac ayaa waxay sheegayaan in dagaal khasaare badan geystay uu halkaasi ka dhacay, waxaana la sheegay in hal qof uu ku dhintay, illaa toban kalena way ku dhaawacmeen mudaharaad rabshado watay oo ka dhacay magaaladda Saylac, iskuna bedelay markii dambe dagaal dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo dadkii banaanbaxayey, ka dib markii dad ka xanaaqsan Guddoomiyaha cusub ee loo doortay degmada Saylac ay isku xeereen dowladda hoose ee magaaladaasi.

Sida warku sheegayo ciidamada milatariga iyo booliska Somaliland ayaa shalay aroortii hore isku dayey inay dadkaasi ka kala eryeen xaruntaasi, balse way u suurtageli wayday illaa markii dambe ay xoog u adeegsadeen, waxaana rasaastii ciidankaasi rideen ku dhaawacmay illaa toban qof oo mid ka mid ahi la sheegay inuu dhaawacii u dhintay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa qeybo ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Saylac ayaa shalay mudaharaad ay doorashadii Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Saylac loogu doortay ku diidanyihiin ku dhigay magaaladaasi, waxayna habeen hore u hoydeen xarunta dowlada hoose ee Saylac, hase yeeshee ciidanka amniga gobolka Seylac ayaa xoog ku kala dareeriyay dadkaasi, waxaana halkaasi ka dhacay khasaare dhimasho iyo dhaawac keentay sida ay noo xaqiijiyeen dadweynaha ku nool deegaankaasi, wararka aanu ka helayno magaalada Saylac ayaa sheegaya in dowladda Jabuuti ay xirtay xadkii Somaliland iyo Jabuuti u dhexeeyay, inkastoo dhaawacii mudaharaadkaasi ka dhashay la geeyay dalka Jabuuti si loogu soo daweeyo.

“Ciidanka ayaa shalay shantii iyo barkii subaxnimo weeraray dadkaasi oo iska fadhiya xarunta dowladda hoose, waxaana aroortii hore ay xabaddu ku dhacday afar qof oo Jabuuti la geeyay, waxaana markii dambe la arkay lix qof oo kale oo dhaawac fudud iyo dhaawac culusba iskugu jira, waxaana dadkaasi dhaawaca qaarkood lagu soo qaaday gaarigii taliyaha booliska Saylac oo Jabuuti geeyay” ayuu yiri ka mid ah dadka ku nool degmada Saylac oo khadka teleefoonka ugu waramayey warbaahinta, waxaanu sheegay inay dadkaasi dhaawaca ah gurayeen baabuur shacab ah iyo kuwo kale.

Arrintan ayaa waxa siyaabo kale kala duwan uga hadlay maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka, waxaana maamulka Somaliland ay sheegeen in askartooda lagu qasbay inay xabado noolnool adeegsadaan ka dib markii ay nafta u yaabeen, isla markaasna 6-ka mid ah la dhaawacay, isla markaasna dad ka mid ah banaanbaxayaashu weerareen, waxayna intaasi ku dareen in hadda amaankii iyo kala dambeyntii la soo celiyey xaaladduna ay caaditahay.

Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee Saylac oo isna ka hadlay banaanbaxayada ka dhacay ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu mas’uul ka yahay wixii Saylac ka dhacay shalay, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka Somaliland ay ciidamo mileteri ah u direen goobtii uu banaanbuxu ka dhacayey, isagoo sheegay in dadka banaanbaxayey ay ka cabanayeen natiijadii doorashadii ka dhacday degmada Saylac.

Banaanbaxayaasha ayaa ka soo horjeeday Guddoomiyihii iyo ku xigeenkii loo doortay degmada Saylac dhawaan, kuwaas oo ay sheegeen in xukuumadda Somaliland ay furdaamin kari weyday, isla markaasna halxiraale adag ku noqotay xalinteedda, maadaama labadda beelood ee deegaankaasi ku dhaqani ku kala aragti duwanyihiin cidda noqoneysa Maayarka degmadda Saylac, isla markaana beel waliba ku doodayso inay xaq u leedahay inay maayarka leedahay.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash