GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka DAAWO SOOMAALIDA HOLLAND OO QAADKII LAGA JOOJIYAY IYO QIIMAHA UU HADA LAKALA IIBSADO....

DAAWO SOOMAALIDA HOLLAND OO QAADKII LAGA JOOJIYAY IYO QIIMAHA UU HADA LAKALA IIBSADO....

Soomaalida qaadka cunta ee ku nool dalkaas Holland ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday qaad la'aan ba'an iyo qiimaha qaadka oo uu ku yimid sare kac ka dib markii uu dhawaantaan ka hirgalay dalkaas sharci lagaga mamnuucaayo gebi ahaanba qaadka dalka Holland.

Sharcigaan qaadka looga mamanuucaayo dalka Holland oo dhaqan galay laga soo bilaabo 5tii bishaan Janaayo ayaa waxaa uu ku noqday Soomaalidaas qaadka cunta mid lama filaan ah oo lagu kadiyey, iyadoona inkastoo horey loo ogaa in dalkaas laga yaabo in laga mamnuuco qaadka ay hadana Soomaalidu u qaadatey oo ay iska dhaadhiciyeen inay tahay arin mudo qaadan doonto taas oo markii dhawaantaan mar qura ay ka warheleen in la joojiyey ayaga oo aan u diyaar garoobin ay ku naxeen arintaas, Sidoo kale ayaa warbaahinta dalka Holland oo xilligii ay socotey dooda ku saabsan joojinta qaadka si weyn uga hadli jirey arintaas aysan hada gebi ahaanba soo hadal qaadin hirgalinta iyo dhaqan galida sharcigaas looga mamnuucaayo qaadka dalka Holland taas oo shaki iyo jaahwareer ku riday Soomaalida qaadka cunta ee ku nool dalka Holland.

Ugu dambeyntiina iyadoo qaadka ama jaadka laga mamnuucay dalka Holland ayaa waxay dowoladaas u cuskatey inuu waxyeelo qofka maskaxdiisa iyo jir ahaanba, Laakiin arintaas oo aan ahayn sababta dhabta ah ayaa waxay tahay anshax xumada is gacan ka hadalka Soomaalida qaadka isticmaasha iyadoona ay joogto ka noqotey goobaha lagu iibiyo qaadka

HALKAAN KA DAAWO

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash