GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Video: Wasiirka A/ Dibadda ee Soomaaliya oo Booqatay qaar ka mid ah Guryihii qaranka Soomaaliya ee R

Video: Wasiirka A/ Dibadda ee Soomaaliya oo Booqatay qaar ka mid ah Guryihii qaranka Soomaaliya ee R

 Video: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Booqatay qaar ka mid ah Guryihii qaranka Soomaaliyeed ku lahaa magaalada Rome

Xassan Faarax oo ka mid ah koox suxufiyiin Soomaaliyeed ah oo ku sugnaa dhismihii safaaradda Soomaaliya ee la kireeyey xilli ay xaruntaasi booqaneysay wasiiradda arrimaha dibedda Fowziyo Xaaji Aadan ayaa sheegay in xarunta safaaradda uu u furay maanta dadkii goobta ku sugnaa oo ay ku jirtay wasiiradda nin caddaan ah oo ka mid ah madaxda shirkadda uu Nuur Cadde ku wareejiyey dhismaha.

"Wasiiradda markii ay timid siddii loo sugayey in xarunta safaarada la furo ayaa waxaa baabuur ka soo dagay nin caddaan ah oo safaaradda inoo furay, markii ay wasiiradda ku soo wareegtay dhismaha safaaradda ayuu haddana soo xirtay, waxeyna aheyd xaalad lagaga argago"ayuu yiri suxufigaasi, wuxuuna intaa ku daray in wasiiradda ay banaanka safaaradda muddo ku sugeysay in loo furo haddana ay la kulantay weji gabax.

"Wasiiradda wax hadal ah ma aysan oran markii ay soo indha-indheysay dhismaha, waxeyna hubsatay in dhismahaasi aanu aheyn mid soo dumi rabay ee uu yahay dhisme u baahan dayactir keliya" ayuu yiri suxufiga.

 

 

WASIIRADA ARIMAHA DIBADA OO BOOQATAY DHISMOYINKA... by shooble

 


Newsflash