GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka NIN SOMAALI AH OO KU XIRNAA XABSI KU YAAL DALKA TALYAANIGA OO SHALAY IS DAL-DALAY

NIN SOMAALI AH OO KU XIRNAA XABSI KU YAAL DALKA TALYAANIGA OO SHALAY IS DAL-DALAY

Nin Soomaali ah oo ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Talyaaniga ayaa shalay gelinkii dambe isku deldelay qolkii uu ku xirnan sida ay shaaciyeen ilaalada xabsigaasi oo ku yaala duleedka magaalada koonfureed ee Lecce oo lagu magacaabo Borgo San Nicola, waxaana la sheegay in ninkaasi is deldelay uu halkaasi ku xirnaa muddo sanad ah, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi.

Maxamed Cabdi oo 38-sano jir ah jir ahaa ayaa u xirnaa ka dib kolkii lagu helay dembi xatooyo ah, sida boolisku sheegeen kaasoo markaasi ka dib lagu xukumay xabsi iyo ganaax.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee uu ninkaasi isku daldalay balse xabsiyada Talyaaniga ayaa ah inta badan qaar dadku qudha isaga jaraan cadaalad daro loo xiray iyo saaxada xabsiyada oo aad u liita awgood.

Warbixin dhawaan la daabacay ayaa waxaa lagu shaaciyey in maxaabiista dalka Talyaanigu ay nafta iska qaadaan in ka badan 20%, marka la barbar dhigo shacabka intiisa kale, diinteena islaamka ayeysan meelna ugu jirin in qof muslim ah is-dilo oo naftiisa gacantiisa ku gooyo, iyadoo ay diintu sheegtay in qofkii sidaasi sameeyaa uu yahay Ahlu-naar

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash