GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka QARAX MIINO OO LALA BEEGSADAY CIIDAMO DOWLADA DEGMADA AFGOOYE

QARAX MIINO OO LALA BEEGSADAY CIIDAMO DOWLADA DEGMADA AFGOOYE

Qaraxani oo ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee Degmada Afgooye waxaa lagula eegtay Gudaha Degmadaasi gaar ahaan Bar Koontarool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen Gudaha Degmadaasi.

Sida Goob Joogayaal ay Warbaahinta u sheegee Hal Askari ayaa ku dhintay askari kalena waa uu ku dhaawacmay qaraxaasi.

Qaraxa kadib ayaa halkaasi Ciidamada dowladda waxa ay ka sameeyeen howl gal xoogan oo lagu baarayayay Gaadiidka iyo Dadweynaha illaa iminkana lama sheegin cid lagu soo qabtay howlgalkaasi

Maal mihii dambe ayaa howlgallo xoogan waxa ay ka socdeen Gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaasi oo lagu soo qab qabtay dad aad ufara badan oo qaarkood lagu eedeeyay in falal ammaanka caqabad ku ah ay ka wadeen Gudaha Degmadaasi Afgooye.

Ugu Dambeyn Maamulka Degmada Afgooye ayaa sheegay in ay fashiliyeen weeraro qaraxyo kale oo ka dhici lahaa gudah Degmadaasi kadib markii ay soo saareen dhowr miino oo ku aasnaa qaybo ka tirsan Degmadaasi Afgooye

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash