GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka HOWL-GALO LAGU QAB-QABTAY DAD BADAN OO LAGU TUHMAAYO AL-SHABAAB OO KISMAAYO LAGA SAMEEYAY

HOWL-GALO LAGU QAB-QABTAY DAD BADAN OO LAGU TUHMAAYO AL-SHABAAB OO KISMAAYO LAGA SAMEEYAY

Kismaayo ayaa lagu qabtay ku dhawaad 20 ruux oo lagu eedeynaayo Qaraxyo ka dhacay magaaladaas.

Ciidamada dowladda somalia ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay rag lala xiriirinaayo inay ka tirsan yihiin AL Shabab kuwaas oo hadda lagu haayo saldhigga ciidamada dowladda.

Howl galada ayaa inta badan waxaa lagu saleeyaa tuhunka laga qabo dadka amaba beelaha lagu xaglinaayo Xarakada al-shabaab sida kol-hore ka dhacday magaalada kismaayo ee lagu qabqabtay dad ganacsato iyo in kale oo aan waxba galabsan balse lama oga howl-galkaan inuu ka duwan yahay kii hore iyo inkale

Qabashada raggaan ayaa ka dambeeyay kadib howlgalo laga sameeyay gudaha magalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose oo haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda somalia.

Warku wuxuu intaa ku darayaa Ciidamada intii ay wadeen howlgalkaas amaanka lagu sugayay waxay gacanta kusoo dhigeen walxo qarxa iyo hub kale oo ay ku sheegeen inay ahaayeen kuwo amaanka lagu sugaayo.

Howlgalkaan ayay ciidamada sameeyay habeenkii xalay waxaana ay sheegeen in si gaar ah looga sameeyay howlgalkaan xaafadaha kala ah Siinaay,Buulo Abligo iyo Aargada Kismaayo.

Dhamaadki sanadki hore ayay ahayd markii ciidamada dowladda somalia ay la wareegeen magaalada Kismaayo kadib dagaal sanad dhexmarayay Ciidamada dowladda,Kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Dagaal yahanada AL Shabab

ALI ABDI YARE KISMAAYO GEESGUUD NEWS

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash