Iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda somalia oo kaashanaya kuwa AMisom iyo Dagaal yahanno ka tirsan Al SHabab uu ka dhacay deegaanno hoos taga Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Saqdii dhexe xalay ayay dadka deegaanka ay maqleen daryanka madaafiiicda iyo hubka fudud oo ay isku adeegsanayeen dhinacyadii dagaalamayay.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib marki dagaal ay kusoo qaadeen dagaal yahannada AL Shabab fariisin ay ciidamada dowladda somalia ku lahaayeen Xaafadda Gubta ee Degmada Dayniile.
Inkastoo aan la ogaan Karin qasaaraha dagaalkaas ka dhashtay ayaa hadana dadka deegaanka ay sheegayaan in qasaaro uu jiri karo oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamayay.
Ma jiro war kasoo baxay dhinacyada dagaalamay ee ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay degmada Dayniile qeybo ka tirsan
Mahad Cali Geesguud Nuws Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































