GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka DAGAALO GOOS-GOOS AH IYO QARAXYO KA DHACAY GUDAHA MAGAALADA KISMAAYO (WARBIXIN)

DAGAALO GOOS-GOOS AH IYO QARAXYO KA DHACAY GUDAHA MAGAALADA KISMAAYO (WARBIXIN)

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in habeen hore magaaladaasi uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinaca kale ah.

Sida warku sheegayo dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar bambaano ah ku qaadeen guri ku yaala xaafadda Farjano gaar ahaan waaxda suuqa-yaasiin, kaas oo la sheegay inay deganyihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.

Weerarka bambaano ka diba ayaa waxaa halkaasi ka bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray kooxihii weerarka bambaanooyin geystay iyo ciidamadii ilaalada u ahaa guriga la weeraray, waxaana la sheegay in dagaalka uu socday muddo ku dhow nusa-saaco, waxaana dagaalka loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo markii dambe uu si iskiis ah u istaagay dagaalkii dhinacyadu dhexmarayey.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Farjano oo aheyd halka uu weerarka ka dhacay ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in dagaalka oo socday muddo kooban uu geystay khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxayna goob-joogayaashu intaasi kud areen in kooxihii weerarka fuliyey ay u suuragashay inay goobta ka baxsadaan.

Weerarkan ay xoogagga Al-shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay muddooyinkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadeen deegaanada ku yaals waqooyi iyo galbeedka gobolka Jubada Hoose, sidoo kalena wuxuu iska horimaadkaasi uu imaanayaa iyadoo habeen hore magaaladaasi markale lagu dilay nabadoon caan ka ahaa oo lagu magacaabo C/laahi, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in nabadoonka uu noqday dhaawac, balse uusan dhiman

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash