GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Audio-Video Audio SHEEKO XIISO BADDAN OO LA MAGAC BAXDAY NABSI ADUUN QEYBTII 1AAD

SHEEKO XIISO BADDAN OO LA MAGAC BAXDAY NABSI ADUUN QEYBTII 1AAD

E-mail Print PDF

Sheekadii lamacbaxday {{ nabsi aduun }}} qeybteedii koowaad ee ahayd jaceylka iyo lacagta ayamaa mudan,, sheekadan wa sheeko dhab ah dhalintayd ha uqaadan inkastoo aduunyada ay jiran jaceyl lacag laga doortay dumarkana sidoodaba waxay fiiriyan wa lacagta kaliya jaceylka markii laga hadlo dhalinta aya ku baaba,da naftooda iyagoo jecel in ay ku guulaystaan jaceylkooda daruufta ay jirto waxa keenay wax la,aanta ceeb maleh laakin dumarka ya wax usheega in waqtiga is bedali doona ninkii shalay haystay maanta mahaysto ninkii maanta heysanin beri ayuu heli kara dunida wa labada galin sugayo qadin sabartana ku siin roona rabigayna og wa anigo ah abubakar mohamed hasan {{ mr qurbaani }}

sheekadan nabsiga ayay ka hadlaysa ninkii dunida ku dulqaatana kuna sabra wuxuu rabo iyo dantiisa si fudud ayuu ku gaari karaa markaana kuso dhawada sheekadii nabsi aduun ka bogasho wacan 
Naasir yare wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo deganaa xaafada Hodan ee magaalada muqdisho Naasir wuxuu halkaa kula noolaa adeerkii inkastoo reer koodu uusan deganayn magaalada, ay ku noolayeyn mijiga naasir wuxuu u imaaday in uu adeerkiisa la noolado inkastoo adeerkiis wax uusan dhalin naasirna garab uu siiyo madama uu adeerkiisa uu lahay dukan uu sida u weyneyn , 

Naasir wuxuu dhigan jiray iskuulka Janaraal daa uud, Naasir waxay iskuulka isku barteen gabar aad u qurux badan marku indhaha saarana aad buu uuga healay inkastoo uu ahay kaligiis wax saaxiibna uusan laheyn. 
AMRAN amran waxay iyaduna daganeyd xaafada Hodan ,maalin maal maha kamid ah ayaa Amran waxay ka codsatay Naasir inuu ka caawiyo madama ninka kaliya uu uuga firfircoon schoolka markii laga hadlo waxbarashada daraasaadka loo soo siiyo home worka iskuulka naasir wuxuu yiri inkastoo aanan jaanis badan kuu heli karayn waxaan ku caawin karaa waa jimcaha oo kaliya.

Amran waxay tiri maxaad walaal xiligaynu iskuulka ka baxno kadib qabataa Naasir wuxuu yiri adeerkeey ayaan dukaan u iibiyaa Amran waxay ku tiri misana miyaadan saacad habeenkii ah xitaa ii heli karaynin isna wuxuu kujawaabay mayee waan kuu heli karaa maalintaa wixii kadambeeyey Naasir wuxuu amran u tagi jiray marka la gaaro 7 fiidnimo -8da wixii loo gaaro ayuu kasoo noqon jiray.

Amran waxay kadhalatay reer qani ah halka Naasir reer koodu uu kadegan yahay tuulo kutaala shabeelada hoose ,mudo dabadeed ayaa naasir wuxuu si lama filaan ah uga helay Amran wuxuuna rabay in uu jaceylkiisa ugu soo bandhigto waaba arin layaab leh naasir jacaylkii aad ayuu uuga faafay qalbigiisa wuxuuna gaaray ilaa heer iyada kaliya ka fikiro har iyo habeyn naasir wuxuu gaaray heer uu koontoroolkii kalumo Cabdi yare iyo jamaal oo ahaa naasir saaxibadii ayaa waxay dareemeen in sxbkood lasoo galay waayahan dambe.

cabdiyare ayaa wuxuu waydiiyay sxbkii waxa iska badalay ayaantan naasir, inkastoo naasir u dhashay nin fur furan hadana hadana wuxuu sxbadii u sheegi kari waayay arintan lasoo gudboonaatay isagoo kabaqay in lagula yaabo jacaylka uu u qaaday amran waayo wuxuu ogyahay heerka ay joogto iyo kibirka kujira amran wuxuu kawarwareegaba sxbadii ayuu usoo bandhigay arintii sxbdii oo aad ulayaabay ayaa waxay usoo jeediyeen inuu jacaylkiisa u soo bandhigo amran .

Naasir wuxuu mudo la aamusnaadaba Amran aabaheed ayaa wuxuu u keenay macalin guriga wax ugu akhriya naasir caqabadii jaceylkiisa uuga horeeyay wuxuu noqday gabadh aabaheyd asigoo u keenay macalin guirga habeynki wax ugu aqriya sidaasna aya naasir halkaa ayaa lagaga kaaftoomay naasir .amran ayaa habeen kii dambe waxay kutiri naasir waad mahad santahay waan helay wax wax ii akhriya ee nabad gelyo aad ayad umahadsantahay intii aad garab isiisay waxana tahay wiil fiican maantana waxana helay macalin fiican oo adiga ka fiican adiga waxa ila joogi jirtay laakkin macalinkaan wuxuu ii jooga ilaa aan aniga ka fasaxo waayo lacag ayan siiya mana bixi karo ilaa aniga casharka ka fahmo.

naasir waaba tii ugu darneyd markaasuu waayay jaaniskii yaraa ee uu kusoo gaban lahaana jaceylkiisa inkasto jaanis badan haystay hadana uusan ka faaiideysanin waayo wa tii hora loo yiray afka kama cadeyn karo ergana uma diran karo ee waaba su,aale caashaqan ogaysiis maleeyahay nasir wuxuu isku dayay sidii jaanis kale ku heli lahay markaana wuxuu niyada iska iri hadi markaana aad kulantan kulankaasi ka faa,iideyso hana noqdo kii ku guulaysan lahayd..

naasir ayaa maalin waxay ku kulmeen amran iskuulka markaasuu naasir u sheegay inuu arin kalee yahay amran oo layaaban arinta uu nin kani wato aasan filayn in ay ninkaani ka fileynin jacayl iyo wax lamid ah laakin hora wax loo yiray labo kala barisay kala war la,markaase waxay tiri galabta xaafada iigu kaalay naasir oo noloshiisu halis kujirto ayaa wuxuu awood u yeelan waayay inuu hadal wax ugu sheego ayaa isla galabnimadii warqad kutaag taag saday uu ugu mujinayo inta ay le’egtahay ahmiyada jaceylka uu u qabo wuxuna ku qoray sidatan. 
scw amraney abaayo marka hore waan ku salamay salan kadib maalmahan waxan ku fikira arin ila soo gudboonaatay arintaasina waxay tahay hadi aan ku sheego ama ka xumata mise saaxiibtinimadeyna wax udhinta horta waxab raba in aan waxyar ku su,aalo amraney hadi uu gurigiina jimaado ruux gaajo ladhacday oo gasiin iyo caawin ubaahan adigo gurmad u heli kara ruuxas maxad u qaban laheyd hadi waxgarad tahay kolaytaba su,sheyda meesha ujeedo waad fahmi karta aniga jaceyl aadan fileynin aya ku qaaday ma ogtahay amraney jaceyl lama moosi kara sidii mayal bu u da,aa muraadna wuu ku dila midiyo dhiiq lehna wuu sita halbowlahana ka marsha sidii gaari sharad lehna waqtigii sharqarayana lama maqli kara sida hilib dabka lasaaray ma ishiilay caashaqa hadi hadalkeyga kuso gaabsho waxa tahay qofta kaliya ee maanta naftayda u bahantahay waxana ku leeyahay aad ayan ku jeclahay mana ka maarmo marki u intaas ku qoray ayuu bashqadi galiyay wuxuu soo aaday gurigii amran ay ku balansanayeyn,

halkaa ayuu saacadu markii ay ahayd afartii galabnimo ayuu naasir ka amba baxay gurigiisa isagoo kusii jeeda guriga amran nasiib wanaag wuxuu lakulmay amran oo sxbadeed lataagan guriga hortiisa markuu salaamay dabadeed ayuu kacodsay inay amran gaar ula soo baxdo amran oo aan kuqanacsanayn inay usoo dhaqaaqdo dhinaciisa ayaa laba talaabo dhiniciisa usoo qaaday ,intuusan naasir u dhibin warqadii u dhiiban lahaa afkaartiisa ayay amran kutiray maanta maxaa kuu daran naasir isagoo aan dhana ufayoobayn ayuu u dhiibay warqadii amran .Amran ayaa ugu jawaabtay yaan u geeyaa warqadan , isla markaa ayuu naasirna ugu jawaabay Amran adaa iska leh warqadan .

caajiib Amran oo aad u xanaaqsan ayaa udhaqaaaqday dhinaca gurigeeda .kadib markii amran ay akhriday warqadii ayaa amran oo xanaaqsan oo lagana dareemayo xanaaqa iyo xumaanta ay ka xuntahay jacaylka uu jeclaaday naasir oo ah wiil danyar ah ,waxaa u yimid sxbadeed nasra iyo ister ,nasra ayaa waxay waydiisay waxa lakulmay sxbadeed amran .Amran oo qoslaysa ayaa waxay tiri sxb waxaan lakulmay maanta wax aanan noloshaydii filaynin ,sxbdeed oo yaaban ayaa ku yiri oh sxb maxaad lakulantay maanta, waxay tiri sxbayaal magaranaysaan wiil yar inala dhigta fasalka oo ladhaho naasir ,markaasay dheheen haa naasir!markaasay tiri miskiinkaas shiidka ah ayaa anoo amran ah maanta wuxuu warqad iigu soo qoray waankujeclahay! kawaran ninkasi aniga oo ah amrab mi iiqalma noocas oo kale in aan jeclaado malaga yaaba su,asha wa maya ayay dhaheyn saaxiibadeyd,

subixii dambe ayaa naasir iyo amran waxay ku kulmeen iskuulka amran ayaa markay aragtay naasir ayay warqadii indhaha kaga dhufatay ardayda dhex doodii una raacisay miskiin baad tahay noocaaga oo kale in aan jeclaado sharaftayda ka weyn waxana fiirisa faraqa labadeyna noo dhaxeeya waxa tahay waxad gasho in aad ilowdo mahan miskiin oo dantiisa ogayn aya tahay hadi markaleto ay dhacdo in aad warqad noocaani oo kale hadi aad iiso qorto ogaw in aad schoolka aad weyneyso in aad wax kabarato alxasil amran wey ka tagtay iyadoo xanaqsan korkeyda hadii lasarana dhiig uusan laheyn ayay baxday ,

naasir oo murugaysan sharaftiisana kaga dhacday ardayda dhexdoodii ayaa wuxuu iska aaday gurigiisii.Halkaasoo uu naasir iskuulkii uga tagay amran daraadeed madama uu schoolka sharaftiisa ka luntay wuxuuna go,aan ku gaaray in uu schol dambe uusan aadin ilaa marxaladaani xal uuga heli karo 
mudo dabadeed ayaa waxaa dalxiis uga yimid dalka ingiriiska oday ay naasir adeerkii sxb ahayeyn yarantooda odaygii ayaa wuxuu kusoo dagay gurigii uu naasir joogay ,odaygii ayaa wuxuu kahelay naasir dabci wanaagiisa odaygii ayaa naasir ku yiri waxaan kuu kaxaynayaa dalka ingiriiska madama aad tahay wiil waxgarad leh adeerkaagana waxan ka codsanaya madama aan saxibo nahay in uu ii ogolaado in aan ku kaxeyo madama wiil yar aad tahay noloshaadana halis ku jirto eena ku noolan karin wadankaani alxaasil naasir wuxuu niyada gashaday in uu iskaga baxo wadankaani asigoo niyadiisa iyo qalbigiisa dhaawac weyn kaso gaaray dhabnka amran.

laba todobaad kabacdi ayaa naasir wuxuu u duulay dalka ingiriiska oo ahaa dalalkii markaa aad loogu dhoofi jiray halkaas oo uu naasir kaga degay guriga uu ku noolay adeerkiis saxibkiis ee magaalada london. 
Amran iyaduna waxay halkaa kula saaxiibtay wiil ka dhashay reer ladan oo lacag leh ileen lacag la’aani waa waxa ay uga carartay naasir oo ahaa ninka kaliya ee jeclaa .

amran waxay la saaxib la noqotay wiil fiican magaciisana la dhahaayo fahad wa wiil bashaash ah waxay go,aan ku gaareyn in jaceylka halkaani ku bilaabeyn ilaa guur ay wadi doonan, 
dhanka naasirna guriga markuu tagay waxa la baray familka oo dhan waxay ka koobnaayeyn xasno oo ahayd xaskiisa iyo fartuun oo aheyd gabadhiisa iyo cali oo ahay wiilka curudkiisa alxasil nasir wuxuu ka mid noqday familkasi wa famil fiican aad ayay uso dhaweyeyn mana la dareynsiinin uin uu joogo guri cidlo ah iyo wadan uusan kaseenin fartuun aya soo dhaweysay aad ayay uso dhaweysay waxay kala bartay dhaqanka london iyo sidii uu ku noolan lahay waxay keesay goobaha lagu dalxiiso oo aad ay u quruxbadan yihin naasir aad ayuu uuga helay wadankaani wadankaani wa wadanka kaliya uu ku riyowjiray intuu uu joogay magaalada muqdisyo wuxuuna bilaabay waxbarasho afka ingriiska aad ayuu u yaqaanay waxana mooda nin ku dhashay oo kale ,

alxaasir amrana waxay guursatay wiilkii ay jeclayd waxay aqalgaleyn mudo kadib iyadoo faraxsan guurka ay guursatay laakin fahad wuxuu ahay daneyste oo kaliya wuxuuna rabay hanti oo kaliya madama amran ka dhalatay reer qani ah markii uu waayayna wuu furay mudo kadib amran waxay noqotay garoob iyado wax badan la qabin bil aya marwo noqotay waxay niyada iska tiray waxani riyo miya mise waa run waxay su,aalo badan weydiisay saaxibadeyd waxayna tiray saxibyal jaceylka masidanba ninkii shalay aan jeclaa in aan ku wayay mudo bil ah ma xaqbaa,

istar aya waxay usheegtay ma ilowday ninkii naasir shalay uu ku jeclaa oo si dhab ah ku jeclaa oo xita waxbarshadiisa iyo schoolka dhan oo adiga kaga tagay ma ilowday nabsigii shalay naasir ka gashay nabsi aya galaysa waxana rabta gurigaga inuu ku dhismo sidee rabta saxib amran noo sheeg 
ha hada ayan kasay wax ihaayo wa nabsi sow maahan waayo shalay waxan qancin wayay qof dartay u qaribna quusi gaartay naftiisa qur,aanka lagu shegay alqasaas bil qasaas anigana maanta qaribanahay oo qad dheer iska tuuray qof ii gargartana maanta ma jirto alxaasil maanta oohinta ku qoranahay waley ohintaa ku qoranahay

hada intee ka heli kara naasir waxan raba qaladkii shalay aan ka galay siidii aan maata ku saxo abaayo amran waaba soo dahday naasir wuxuu ka tagay noloshaada kaliya maahan schoolka kaliya maahan soomali oodhan ayuu ka tagay wuxuuna aaday london ok waan gartay laakin waxan nii weydiina ninkii shalay waxba haysanin sidee london ku gaaray tasi macquul maahan amran abaayo waxa ilowday aduunyada wa nasiib naasirna nasiibkiisa aya saaciday ogaw taasi

alxaasil sidee ku heli karna numbarkisa taas micno maleh aniga aya saxibta eh aniga ku geenayo ee laakin adiga midasi ka joofo hadii aan ku keeno si fiican kula hadal una sheeg in ad maanta diyaar utahay ok aya lisku jawaabay alxasil istar waxay soo raadin ku bilowday in ay numbarka naasir ku heli lahayd weyna so heshy amran markii loo keenay aad ayay u faraxday wxaana lisku diyaariyay sidii nasir loola hadli lahay iyo hadaladii ladhihi lahay aya la diyaariyay mudo kadibna amran waxa usuurta gashay in ay wacdo naasir laakin nasiib daro naasir ma aysan hellin waxa maalintas guriga joogtay fartuun aya ka qabatay waxay weydiisay in uu naasir joogo laakin waxa loo sheegay in uu naasir joogin laakin sacado kadib kuso celi aya lagu dhehay amran iyado niyad jabsan waxay usheegtay hadi uu yimado waxa ku dhahda amran aya kuso wacday ee daruuri ayay ku rabta ee numkaani sii hadii uu yimaado ee ha iso waco dheh,

naasir galabtii markuu guriga yimaaday aya fartuun waxay dhehday maanta waxan ku haya ileyn waxan is dhihi jiray naasir maxa ku dhacay marmarka qaar waxan is dhih jiray soomali ayuu uxiisay e wadankaani lama qabsan marna waxan islahay hooyadiisa ayuu u xiisay ee maanta waxan ogaday qalbigaga kaso tagtay sow maahan maanta aya gabar kuso wacday waxayna ku dhehday amran aya lii dhaha ee ha iso waco sida dhaqsiyaha badan magrty.

abaayo horta wa runta gabrtaasi maanta isoo wacday wey jirtay shalay iyo maantana faraq weyn aya udhaxeeyo sow maahan amrana waxay ahayd qofta kaliya si dhab ah u jeclaaday laakin jaceylkayga mana qadarin mana tixgalinin waana iloway e maanta waxan raba in aan hadal ku dhaho laakin si aan kugu sheego ma aqaan hadii aan ku dhaho maanta adiga ayan ku jeclahay kawaran in aad i rumeysato malaga yaaba. 
horta wa su,aal oo dadweynaha is weydiinayan 
deeq wa mid la doono in uu 
daa,in ku siinaayo 
dadaalna wa lama huran in aad 
diyaar u ahaatid hadi aan 
diido in aan dib isku dhigo oo adiga 
darta damac iiga ga galay 
daarahan ma soo dumaayo mise 
duufaan maa soo dagayso wa maya 
duhurkaani waxan raba 
dantayda iyo dantaada in aan hal ka dhigo 
diyaar ma utahay wa su,aal

aboowe horta waxa tahay geesi i gaclooday mana laga yaabo in aan 
duurka kugu sii deeyo dhinacaaga iiga fiiri aniga waan ku jeclaay laakin waxan islahay waad ogtahay dumarna in ay ku dhahan waan ku jeclahay malaga yaabo waad mahadsantahay sida wanagsan ad ii tixgalisay aadna iiso dhaweysay ayaaba wax lasiisto lahayn laakin waxan raba in aan wax yar kaga codsado maka heli kara abaayo fartuun waxana raba in aan halmar kaliya fursad iisiiso waxan raba in aan halmar aan waco qoftaasi waxana raba in aan ogado dantayda waan ogsoonahay in uu nabsiga soo hoganshay laakin aniga wax uma qaban karo waayo adiga aya maanta ku jeclahay ogaw. 
horta naasirow waxad ogata in aan ku kalsoonahay hadi kalsooni jirin jaceylna maba imaan karo waad wici karta laakin waxan ku dhaha kaliya hadal xun oo iyada qalbigayga wax udhibaayo ha dhihin waayo wa naf wax jecelintasi ayan ku dhihi lahay ok wa balan abaayo in aan hadal xun dhaheyn adiga ku waya maalin aya fursad raadiyay waxana wacay amran waxana na dhexmartay sheekadan,

waxan dhehay amraney ma ogtahay in uu halis yahay hadii aadan ogeen hadaba baro, 
Cudur weeye caanshaqu 
Culumada quraankiyo 
Cilmi seyniska kuwa dhiga 
Ma cadeyn karaanoo 
Ciladiisu waan weeyoo 
Ceynkiisa lama garan 
Maxaa leey cirbadayoon 
Ku casheeyay aasbaro 
Caatana ka sii helay 
Cuudna waa la ii shiday 
Cisbitaalna waa galay 
caafimaadna maan helin 
Labadii is calooshata 
Hadan ciid la kala geyn 
Cagahaa isu keenee 
Calaf haysu keen simo 
Cajaa’ib weeye dhib badan hadal weeyee 
Cakiran caashaq weey haysaa curdun weeyee 
Ugub ahoo aan wali curane. amraney ma ogthay in jacelka uusan aheen mid dheel dheel ah, balse jaceelka ma ah wax lacag ah oo lagu iibsado lakiin dadka qaar waxeey raacaan lacagta, dadkaasi adiga ka mid ah waayo shalay marekii aan wax haysanin aan ku jeclaa oona daacad ku ahay waad i qadari weysay waana iqiimeyn weysay mana aha jaceylka dhanka kahelid macnaha qurux ee qofka ka hesho,

jaceel waali ah eey qofka u qaato qofba si uu wax u doorsadaa waayo midkii ku an faca ayaa kala baxdaa rag iyo dumarba dadka qaar waxeey dhahaan, 
Maxaa laba ruux is raba 
Maxaa gacal iyo xigaal 
Maxaa la isugu diraa 
Mashkilad iyo muran qabiil 
Mixnadu way reeban tahay 
Su’aal beey dadka taban 
Jacelku waa mid weyn 
Axdi adag beey u maraan 
Haddii wax walibaa dhacaan 
Afkooda ma furriin ma karo. 
waayo jeceelka waa wax dhab ah oo , 
Dhibaatada jaceylka ah 
Way ku dhalan rogtaayoo 
Dhaawaca jirkaagana 
Waad la dhuubataayoo 
Arar iyo laxaadkana 
Wuu i kala dhantaalmoo 
Dhabanka iyo gacmaha 
Way isku key dhageen, 
adaa dagay laabtii 
saableyda oo idil 
Dabaq baad ku leedahay 
Daacad iyo dulqaad iyo 
Dadkaan kaaga soocdee 
Go’aankeygu waxuu yahay 
Inaan wada dal xiisnoo 
Dunnida ku gaaf wareegnoon 
hadii shalay ifahmi lahayd oona qadari lahayd jaceylka aan ku qabo mana imaan lahayn maanta meesha aan joogo laakin maanta waxan ku dhihi lahay iiga raali noqo waxan ku dhihi lahay aniga kuma soo jeedo waayo waxan maanta jeclahay gabar kale iigana raalli noqo abaayo amran,

waan ogsoonahay shalay aniga kuma jeclayn waa runta laakin manta waan ku jeclhay jaceylkana waxa uu jahay shalay ma aanan ogayn laakin maanta naftayda adige ku bahantahay la,aantana manoolan karo aboowe maanta hadi aan ku heli waayo naftayda halis ayay galaysa jacylka aan ku qabo jaceyl yar mahan aniga waligay qof bini,aadam ah waligay sidan oo kale uma jeclaanin nasirow adiga cajiiba ahoo idareynsiiyay in aan leeyahay qalbi oona ubaahanahay in lii daryeelo ,

ha waa runta amraney laakin aniga shalay marki aan ku wayay waan iska sabray adigana iska sabar maanta waayo ma istaahishid qof la jeclaato waayo uma qalantid mana taqaantid qiimaha jaceylka aniga waan ku cafiyay adigana iska kee cafi iyadoo ooyanyso ayan ka tagay waxana ulaabtay fartuun oo aahayd gabarta kaliya aniga si dhab ah ii fahamto jacelkana wax ka taqaanta wayo hora waxa loo yiray qofa jeceshahay lama jeclaado e qof ku \jeclaado aya la jeclaada madaama ee fartuun i jeclaatay anigana aan jeclahay mudo kadibna waan guursaday waxan guursaday fartuun waxana ku aqal galnay magaalada london oo nasiibkayga i keenay.

intaasi ayan kuso gabagabeenaya sheekadii lamagac baxaday nabsi adduun waligagana waxa iska ilalisa nabsiga waayo nabsiga ma fiicno wana shay qaali ah qof hadi naftaada rabaayo waxa loo bahanyahay in aad qadariso aana qiimeyso hana fiirinin naftada ee fiiri nafta ku jecel waayo dunida wa cajiib weyna is bedesha waxana sheekadan niiso gaarsiyay wa qoraga weyna abubakar mohamed hasan ninkii ubaahan faalo intasi inkabadan waxa la xiiriri karta walalkiina qalbi jaceyl kulanti dambo ooxiiso leh

Qoraaga Sheekada"MR Abuukar qurbaani MR qurbaani" < This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it >

Last Updated on Tuesday, 01 January 2013 01:36  
Comments (1) Comments are closed
kkkkk
1 Thursday, 07 March 2013 00:35
Wlh aduunkaan yaab waaye waxan sheeko noocee ah waaye? Kkkkk af soomaliga lugu qoray xta masaxno


Newsflash