GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka QARAXYO CIIDAMADA DOWLADA LALA BEEGSADAY OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

QARAXYO CIIDAMADA DOWLADA LALA BEEGSADAY OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

Qaraxyadaan oo ahaa nuuca bamka gacanta laga tuuro ayaa lala eegtay xili ay ku sugnaayeen xaafado kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa 1-aad ayaa waxaa lagula eegtay ciidamada dowladda oo ku sugnaa suuqa bakaaraha iyadoo ay ku tureen dhalinyaro kadibna halkaas ay isaga baxsadeen iyadoo qaraxaas ay dhaawac kasoo gaareen labo kamid ah ciidamada dowladda ee halkas ku sugnaayen.

Sidoo kale ilaa afar qarax kale oo iyana ahaayeen nuuca bamka gacanta laga tuuro lala bartilmaameedsaday ciidamada dowladda somalia oo fariisin ku lahaa xaafadda Al Baraka ee degmada Hodan.

Weerarkii bambaanooyin ee ka dhacay Xaafadda Al Baraka ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa ciidamada goobtaas deganaaayeen iyadoo ay baxsadeen dhinacyadii weerarka soo qaadan.

Kadib ayay ciidamada qasaaraha la gaarsiiyay ay rasaas fureen iyadoo la sheegay inay jirto qasaaro dadka deegaanka kasoo gaaray rasaastaas.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa magaalada Muqdisho ka noqtay dhacdo joogto

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash