GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka DIBADBAXYO RABSHADO WATA OO KA DHACAY MAGAALADA BOORAME EE G/AWDAL DAAWO SAWIRADA

DIBADBAXYO RABSHADO WATA OO KA DHACAY MAGAALADA BOORAME EE G/AWDAL DAAWO SAWIRADA

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boorame ee Caasimada Gobolka Owdal ayaa sheegaya in xaalada Magaaladaasi ay hada tahay mid kacsan ayan kasoconayaan Dibad baxyo rabshada wata ay dhigayaan dadka degaanka oo dhalinyaro u badan.

Dibad baxan oo galay Maalintii labaad ayaa xoogiisa waxa uu Maanta kasoconayaa Suuqa Weyn ee Magaalada Boorama halkaasi ay isugu soo baxeen dad badan oo careesan oo gamcaha dhagxaan ka tuuraya sidoo kale taayaro gubaya.

Dadka dibad baxa dhigaya ayaa aad uga careesan Fara galin ay sheegeen in Xukuumada Soomaaliland ku heeso Doorashooyinkii deegaanka ee ka dhacay Magaalada Saylac iyo Maayarka Magaladaasi loo doortay ay dowladu diiday in la dhaariyo.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga Somalailand ayaa rasaas xoogan ridaya iyadoona magaalada meelo badan oo kamid ahan ay qiiq iyo Uuro kabaxeyso maadaama dadku gubayaan taayarada gawaraida.

Shalay ayeey aheed markii dibad baxan mid la mid ah oo ka dhasheen Qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Magaalada Boorame ee Caasimada Gobolka Owdal.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash