GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka XILDHIBAANO AY KA MID YIHIIN C/WALI GAAS IYO XUSEEN QALIIF OO ISKA CASILAY XILDHIBAANIMADII

XILDHIBAANO AY KA MID YIHIIN C/WALI GAAS IYO XUSEEN QALIIF OO ISKA CASILAY XILDHIBAANIMADII

Kaddib kulan ay maanta ku yeesheen barlamanka Soomaaliya xarunta golaha shacbiga ayaa waxa guddoomiyha barlamanka uu ka sheegay in Xildhibaan C/wali Maxamed Cali Gaas uu iska casilay xubanimadii barlamanimo.

Pro Jawaari ayaa u sheegay Mudanayaasha barlamanka in isaga uu u soo gudbiyay Istaqaaladiisa Gaas oo Soomaaliya ka soo ahaa Ra’iisul wasaare KMG ah waxaana uu tilmaamay guddomiyaha in booskiisa qofkale loo dhaarinayo.

Isla kulanka ayaa waxaa lagu dhaariyay Yaasiin Cabdi Seed oo badlay Gaas oo ka mid aha mudanayaashii dhawaan la soo doortay.

Xildhibaan Xuseen Khaliif ayaa isna katagay xilka xubinimad barlamanka waxaana lagu buuxiyay booskiisa C/rashiid Muuse Nuur.

Gaas ayaa la rumeysan yahay in uu isku soo taagayo hogaaminta maamulka Puntland inkastoo madaxweynaha maamulkaasi uu sheegay in muddo sanad ah uu korarsaday

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash