GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka MAGAALADA KISMAAYO OO LAGA FURAY IDAACAD FM OO KU HADASHA CODKA DOWLADA SOOMAALIYA

MAGAALADA KISMAAYO OO LAGA FURAY IDAACAD FM OO KU HADASHA CODKA DOWLADA SOOMAALIYA

Wasaaradda Warfaafinta Boostada, Isgaarsiintaasi iyo Dalxiiska ayaa sheegtay in Magaalada Kismaayo ay ka fureyso xafiis ay leedahay warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha oo hadda ku sugan Kismaayo oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradu qorsheyneyso in Kismaayo ay ka furto Idaacad F.M. ah, taas oo uu sheegay in hadaba la geeyay Kismaayo.

Sidoo kale wasiirka ayaa Tilmaamay in Idaacadaasi ay baahindoonto wararka ka baxaya warbaahinta Qaranka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in idaacadaasi ay kaalin wanaagsan ka qaadan doonto horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta nidaamka dowliga ah si shacabka ay u helaan dhacdooyin rasmi ah.

Arintani ayaa qeyb ka ah qorshaha ay wasaarada Warfaafinta ugu jirto sidii ay Gobollada dalka ugu ballaarin laheyd warbaahinta Qaranka.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash