GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka R/WASAARE SAACID OO SOO DHEMEYS TIRAY GOLHII WASIIRADA SOOMAALIYA (AQRI MAGACYADA)

R/WASAARE SAACID OO SOO DHEMEYS TIRAY GOLHII WASIIRADA SOOMAALIYA (AQRI MAGACYADA)

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta dhameystiray xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, isagoo magacaabay shan wasiir u dowle iyo 20-wasiir ku xigeen.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra'iisul waasaraha, Faarax Cabdi Xasan ayaa u akhriyay saxaafadda magacyada xubanaha lasoo magacaabay, iyadoo la sheegay in wasaarad walba ay leedahay laba wasiir ku xigeen, maadaama ay wasaarad walba horyaallaan howlo fara badan.

Magacyada wasiir ku xigeennada ayaa waxay kala yihiin:

1. Inj. Maxamed Aadan Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda
2. Jamaal Maxamed Barrow, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda
3. Xasan Ibraahim Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo A. Qaranka
4. Jaamac Axmed Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo A. Qaranka
5. Maxamed Axmed Aadan, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
6. Abuukar Xasan Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
7. Bashiir Maxmaed Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
8. Maxamuud Macallin Yaxye, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
9. Fahmo Axmed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
10. Xasan Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
11. Nadiifo Maxamed Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska
12. Cali Sheekh Maxamed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska
13. Siciido Xasan Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
14. C/raxmaan Maxamed Geeddi, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
15. Axmed Maxamed Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
16. C/raxmaan Kulmiye Xiris (C. Dheere), wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
17. C/qadir Shekh Ismaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
18. Maxamed Cali Xagaa, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
19. C/shakuur Cali Mire, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta
20. Ibraahim Yaroow Isaaq, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta

Sidoo kale, magacyada wasiir u dowlayaasha la magacaabay oo shan xubnood ahaa ayaa waxay kala yihiin:

1. Faarax Sh. C/qaadir Maxamuud, wasiir u dowlaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya
2. Dr. Maxamed Nuur Gacan, wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda
3. Mahdi Nuur Cali, wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka
4. Maxamed Rashiid Sheekh Daahir, wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
5. Max'ud Ismaaciil Barqadle, wasiir u dowlaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada

Wasiir u dowlayaasha iyo wasiir ku xigeennada la magacaabay maanta ayaa waxay ka dhigayaan tirada golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya 35 xubnood, iyadoo ay xukuumaddan noqonayso tii ugu tirada yarayd ee la magacaabo tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya labaatan sano ka hor.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it     This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 
Comments (1) Comments are closed
wasiirada somalia
1 Friday, 14 December 2012 10:09
sallan sare bahwayta geesguul marka hore waxaan aad ugu faraxsanahay is badalka soalia lkn waxaan geesguud ka sugaynaa waxaan ka baranay ee ahayd inay cadeeyaan wasiirada la magacaabay qabaa ilaka aya yihiin sidii aan horay idiinka baranay asc


Newsflash