GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka SHIL GAARI OO SABABAY DHIMASHO OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

SHIL GAARI OO SABABAY DHIMASHO OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

labo qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay shilgaari oo maanta kadhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Shilkan Gaari oo sababay gaari nooca kaaribka ah oo si xoowli ah uga soo degay wadada ka timaada dhinaca buundoyinka ee soo gasha isgoyska dabka ayaa waxaa lasheegay inuu bareeg ka waayay darawalkii gaariga waday maadama uu kasoo dagay dalcad dheer markii horena uu gaarigu si xowli ah ku socday.

Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Isgoyska dabka laba Maxamed Mungaani ayaa Warbaahinta Qaranka usheegay in labada qof ee geeriyootay midkood uu ahaa ingineerkii dhisayay guri dabaq ah oo kuyaala isgoyska dabka halka qofka kalena uu gaarigu turuska ku qaaday, waxaana uu intaa raaciyay in qofka dhaawacmay uu ahaa wadihii gaariga oo xiligan lagu dabiibayo Cusbitalka madiina ee Magaalada Muqdisho.

Shilalkan Gaari ee maalmahan dambe ku soo kordhayay wadooyinka Muqdisho islamrkaana geysanayay qasaaraha baaxda leh ayaa waxaa loo aaneyn karaa mashquulka baahsan iyo dhaqdhaqaaqa bulshad oo isku furmay kadib markii amiga dalku horumar weyn sameeyay islamarkaana nabadda darteed ay gawaaridu kusoo bateen magaalada iyo wadooyinka oo Burbur xoog leh ka muuqdo.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash