GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka KING KHAALID IYO C/XAKIIN FARAYARE-IYO XASSAN CUJEERI OO SI WANAAGSAN MUQDISHO LOGU SOO DHAWEYAY+SW

KING KHAALID IYO C/XAKIIN FARAYARE-IYO XASSAN CUJEERI OO SI WANAAGSAN MUQDISHO LOGU SOO DHAWEYAY+SW

Fanaanniintan caasimadda dib ugu soo laabtay ayaa waxaa ka mid ah C/xakiin Ciise Geedi Fara-yare, khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” iyo Xasan Cujeyr Cajami kuwaas oo muddo 21 sanno ka badan dalka ka maqnaa, waxaana Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyey Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim shaaweeye, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, dadweyne tiro-badan iyo Fanaanniin ay ku jiraan Bar-baarta Gaashaaman.

Soo dhaweyntaasi ka dib ayey fanaanniintu inooga warameen dareenkooda ku aaddan ku soo laabashada dalkooda iyo fikirka ay ka heystaan waxyaabaha ka jiro dalka.

Khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib in uu dib ugu soo laabto dalkiisa isagoona ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibadiisa in ay dib ugu soo laabtan wadankooda.

Sidoo kale guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim shaaweeye ayaa u muujiyey Fanaanniinta sida ay ugu faraxsan yihiin in dalkooda ay yimaadaan waxa uuna tilmaamay in Fanka uu ka turjumayo nabadda dalka ka jirta, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in dad kale oo dibadaha ku maqan iyana dib u soo laabtaan.

Fanaanniintan ayaa muddo aad u badan ka maqnaa dalka waxayna ku biirayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dib u helay fursad qaali ah oo ay ugu soo laabtaan dalkooda oo nabad ah, isla markaana ay ka jirta dowlad aan KMG aheyn.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash