GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka WASIIRADA DIFAACA IYO ARIMAHA DIBADA OO XILDHIBAANADA HOR TAGAY SU,AALO LA WEEYDIIYAY KA JAWAABAY+SW

WASIIRADA DIFAACA IYO ARIMAHA DIBADA OO XILDHIBAANADA HOR TAGAY SU,AALO LA WEEYDIIYAY KA JAWAABAY+SW

Wasiirrada Gaashandhiga iyo arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta hortagay Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya iyagoo ka jawaabay su’aallo dhowr ah oo ay xildhibaandu ugu yeeren in ay ka jawaabaan.

Kulanka ay mudanayaasha Baarlamanka maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxaa soo xaadirtay 145 Xildhibaan iyadoo gadaal uga soo biireen mudanayaal kale, waxaana shir gudoominayay kulanka gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Ajandaha baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa mid su’aallo lagu weydiinayay wasiirrada arrimaha dibadda, Gaashaandhiga iyo sidoo kale in ay ka doodaan qaar ka mid ah qodobada dastuurka oo quseeya Baarlamaanka iyo arimaha Bulshada.

Furitaanki fadhiga kadib ayaa mudanayaashu bilaabeen ka dooditaanka qodobbo ka mid ah dastuurka dalka intii ay doodu socotayna waxaa goobta soo gaaray R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka Gaashandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxaana la hor dhigay su’aalihi mudanayaasha Baarlamaanka.

Ugu horeynna wasiirka arrimaha dibada ayey weydiiyeen xildhibaannada Labo su’aal oo kala ahaa maxaa kalifay in la kireeyo rugta safaaradda Soomaaliya ee talyaaniga? maxuusa yahay sababta kireynta xarunta safaradda Soomaaliya ee Rooma?

Wasiiradda ayaa sheegtay in ay raali galin ka bixinayaan arrintaasi inkasta oo aanan si cad loo ogeyn waxyaabahaas balse ay jiraan gudi loo xilsaaray hantida dowladda ee jirta dalka dibadiisa.

Sidoo kale C/xakiin Maxamuud Xaaji fiqi wasiirka gaashaandhiga ayey weydiiyeen mudanayaasha Baarlamaanka seddax su’aal oo kala ahaa:- maxaa kalifay in maxkamadda ciidammada ay xuraydiisa ka qaado muwaadin wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo ka tirsan idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ah? waa maxay mowqifka xukuumadda ee ku aadan xariga wariyahaasi? goorme ayaana xuriyadiisa loo soo celinayaa?

Mudane Fiqi ayaa Baarlamanka ugu jawaabay dhamaan su’aalihii ay weydiiyeen waxa uuna sheegay in wariyaha uu sii daayay warbixin taas oo ka hadleysay in maxkamadda ay dishay nin aanan loo qaban qareen balse mas’uuliyiin ka socoto BBC-da ay yimaadeen Muqdisho ayna ka bixiyeen raaligalin balse haatan dib loogu celiyay xoriyadiisi.

Ka jawaabista su’aalahaasi ay baarlamanka weydiinayeen wasiirrada kadib ayaa waxaa hadalka qaatay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo soo xiray kulankii maanta ee baarlamanka.

Talaabadan ay maanta mudanayasha baarlamaanka su’aalaha ku weydiiyeen wasiirrada arrimaha dibada iyo gaashandhiga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa bilaw wanagsan u ah howsha sharci dajinta wadanka

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash