War si deg deg ah inooga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in halkas uu ka dhacay qarax xooggan oo gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxan ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay miino meel ku aasneyd oo caruur ay ku ciyaarayeen gudaha xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Labo Caruur ah ayaa dhimatay halka ila sedex kalana uu dhaawac kasoo gaaray qaraxan ka dhashay waxyaabo lagu aasay dhulka oo caruurtan ay ku ciyaarayeen.
Goobjooge ayaa sheegay in caruurtan ay dhagxaan ku garaacen Bambada oo loo malaynayo inuu ahaa Madfac aan qarxin.
Waalidiin badan iyo shacab kale ayaa isugu soo baxay xaafada Towfiiq oo qaraxan uu goordhow ka dhacay sida uu sheegay goob joogaha nala hadlay.
Dagaaladii ka dhacayay Muqdisho ayaa keenay in wali la helo haraadiga hubkii lagu dagaalamayay, oo waxyeelo soo garsiin karta dadka shacabka ah.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































