GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka GABAY CUSUB OO UU TIRIYAY ABWAAN SAADAQ CALI XUSSEEN LANA MAGAC BAXAY (KALA-GARO)

GABAY CUSUB OO UU TIRIYAY ABWAAN SAADAQ CALI XUSSEEN LANA MAGAC BAXAY (KALA-GARO)

Gabaygaan waa gabay jawaab u ah, Gabay uu tiriyey Mr Haldhaa,

Kaasoo jawaab ka bixinayay gabay aan horay utiriyey, ciwankiisana ahaa ‘ Gacaloow aashaada’,kulana talinayey Hogaamiyaha Raas kaanbooni xili ay dib uga celiyeen magaalada kismaayo wafdi ka socday Dowladda federaalka ee Somaliya, halka ay kasoo dhaweeyeen wafdi kasocda dowlada keenya .

Waana kan Gabayga;

Gabayadu marbay furanyihiin gabalna waa ceebe.

Galad iyo marbay mudan yihiin soo gudoon wacane.

Guushiyo marbay kuu horkici gacal samaantiise.

Marna waa xinjiro googo’iyo godob laruugaaye.

Oo waa geed kharaar iyo falaar rubadda goowsaaye.

Hadba saa u gocotay nafluhu garab u siiyaane.

Ana goor lajoogaba xaqaan gacan ku siiyaaye.

Gafna iguma aha waa sidii guulahay faraye.

Kuma goobo sheey lagu go’iyo guluf colaad deede.

kuma goobo gaajada kacdiyo shacab gumaadkiise.

Kuma goobo soomaalidan isgaran kala gulaal keede.

Kuma goobo xumuhii lagalay soo gar celintiise.

Guubaabadayduna ma’aha gacan togaalayne.

Kala garo nin kuu goodin iyo kii ku garabtaagan.

Kala garo garaad kiyo nin kii xume u goohaaya.

Kala garo guumeestahaa wadiyo gacalka aad diidi.

Kala garo gaashaanlaha xertiyo madaxda guudkeena.

Oo garoowso gafkii kaadhaciyo gobolka aad joogtid.

Afartaa intaa kaga gudbaye guudka ka hikaadi.

Gogoshiyo darmada laabo oo ciida la garguuro.

Lagalgalo adaa galabsataye guriga aad joogtid.

 

Afar kale gar’moogoow hadaan sadar ku soo gaabsho.

Gedda aad ka hadashiyo anoo xume ku goobaynin.

Anigoo u gafahayn ragii qaranka goo baayey.

Anigoo garoowshiyo u qaba goohi dami waayey.

Hadaa tahay nin geesiya amaad ciil lagubanaysay.

Goboladda dalkeenii kuwaa gooni uga saartay.

Kuwaa goowsay ee garad yaroow xabashi hoos geesay.

Oo gadatay ee gabal dhacaba goowda lagu haayo.

Magac aaysan garanayn kuwaa shaabad kula goobtay.

Godeey iyo jig-jiga Gaariso iyo idil galbeed oo dhan.

Goonyaha Nagayle iyo Wajeer gobolka wooqooyi.

Kuwa kugu gabraaree ku gadan maad ku gacansayrtid .

Geesaha kuwaa kaa safane amarka kuu gooya.

Kuwa gaaska kuu soo watee gubaya maal kaaga.

Ee raafka kugu soo gurbiya maa ku gacan sayrtid

Afartaana soo gaabiyaye guudka ka hikaadi.

Garo oo wixii kula gudboon shacabka gaarsiibal,

Afar kale run lama gaaxiyee waa ku garan siine.

Gabanadu ma ooyeen hadii geesi aad tahaye.

Gumeestuhu ma baarteen duq aad gibil wadaagtaane.

Gamma’ kuma nagaadeen ragii guriyey maandeeqe.

Garcaduhu ma ooyeen halkaad gaarka u lahayde.

Hooyo gacalo laab kama gubeen wiil la goowracaye.

Gabdhahaa galtiga aan gudnayn guriga loo geeyey.

Ee ilmadu garaarkiyo jilbaha gees walbaba gaartay.

 

Oo kii u soo gurman lahaa gabre goldooxaayey.

Go’doon kuma ahaadeen halkay galabta joogaane.

Galin kuma nagaadeen hadii geesi aad tahaye.

Iga daa waqtaa gabay dhahdaa kuuma soo galine.

Iga daa gar’moogoow gunnimo gaadadaa surane.

Iga daa inaan kula gabyaa waa garaad yariye.

Asaagii nin uu ka gudbay oo gaabshay baatahaye.

Xornimada lasoo galay nimaan gaarin baatahaye.

Nin cadaawe uu guursadoo loo gudbaatahaye.

Gumaciyo rasaastaa wadana waxba ma gooyaane.

 

Gambadaada sooraaro oo horay u siigayfo.

Ama caawa waa gaba gabee guulo hore sheego.

Eray maanka aan galin karoo kuu garnaqa sheego.

 

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Saadaq Cali Xuseen [sinane].  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 
Comments (1) Comments are closed
caadi maahan
1 Tuesday, 11 December 2012 19:32
maasha allaaah abwaanka sanadka ahna gabyaa wadani ah abwaan saadaq cali abshir (SINANE).
Abwaane horey usii wad gabayada talobixinta iyo wadaniyada isugu jira mahadsanid mar 2aaaaaad.
Kaarim


Newsflash