GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka MAGAALADA JOWHAR OO AY GABI AHAAN KA BAXEEN AL-SHABAAB IYO XAALADEEDA SAAKAY....

MAGAALADA JOWHAR OO AY GABI AHAAN KA BAXEEN AL-SHABAAB IYO XAALADEEDA SAAKAY....

Wararka hada naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegaya in xiligan Magaalada Jowhar ay kajirto xaalad kacsanaan ah dhamaan ay xiranyihiin goobaha ganacsi sidoo kale la fasaxay goobaha waxbarasho ee Magaaladaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in Al-Shabaab saakay agab kooda ka qaateen magaalada Jowhar ayna ka baxeejn intooda badan iyadoona lasoo sheegayo in Shabaab ay ooda ka qaadeen maxaabiistii ugu xirneed Xabsiyada Magaalada Jowhar.

Lama shaacin Dagaalyahanada Al-Shabaab halka ay u baxeen ,waxaasa lasoo sheegayaa in badi ay ka baxeen Magaalada lana arkayay saakay gawaarida Tiknikada Al-Shabaab iyo gawaari kae ay wateen saraakiil katirsan Al-Shabaab oo ka baxaya Magaalada.

Dhinaca kale Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa iyguna kaabaya Magaalada Jowhar waxa ayna hada kusuganyihiin halka loo yaqaan Congo oo qiyaastii 5-km u jirta Magaalada Jowhar iyadoona laga yaabo in saacadaha soo aadan ay gudaha u galaan Jowhar.

Lama saadaalin karo xaalada kacsanaanta ah ee hada ka jirta Jowhar waxa ay ku dambeyn doonto AL-Shabaab ayana Magaladaasi in mudo ah gacanta ku hayay inkastoo ay maanta u muuqato in ay soo afjaranto gacan ku heynta Al-Shabaab ee Magaalada Jowhar.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   

 


Newsflash