GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka QAFAAL XOOGANAA OO CAAWA KA SOCDA MAGAALADA NAYROOBI IYO DADBADAN OO XIR-XIRAN (FAAH-FAAHIN)

QAFAAL XOOGANAA OO CAAWA KA SOCDA MAGAALADA NAYROOBI IYO DADBADAN OO XIR-XIRAN (FAAH-FAAHIN)

Xaafadaha kala duwan ee Islii ayaa waxaa ka soconaya baaritaano balaaran oo ay wadaan ciidamada dalka Kenya gaar ahaan kuwa GSU iyo kuwa Boolis ah.
Ciidamadan oo wata gaadiid waa weyn ayaa galaya xaafadaha kala duwan ee Islii oo ay degan yihiin dadka rayid ah, iyadoona gaadiidkaas lagu xaraynayo dadka lasoo qabto.


Goobaha ugu daran ee howlgalkan ay ka soconayaan ayaa waxaa kamid ah xaafada Section One ilaa Jaamka oo xalay uu ka dhacay qaraxii uu ku dhaawacmay xildhibaanka Kaamakunji Yuusuf Xasan Cabdi.
Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jira da da’ ah iyo kuwa laa sheegay in ay caruur yihiin, sidoo kale waxaa ku jira dad haysta sharciga dal ku jooga KENYA sida Kibaandhaha iyo kaarka qaxootiga.
Saraakiil katirsan xafiiska Xildhibaanka Kaamakunji ayaa sheegay in howlgalkan lagu baadi goobayo koxihii ka danbeeyay weerarkii xalay dhacay.
Dadka ayaa qaba dareen gooni ah kadib qaraxyo isdaba joog ah oo ka dhacay xaafada, iyadoo wali xabsiyada KENYA ay ku jiraan Soomaali badan oo loo qabtay falalkaas weerarada qaraxyada ah.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash