GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka RABSHADIHII DALKA MASAR OO SII XOOGEYSANAAYO IYO MADAXWENIHII OO DAGAAL QARAAR KALA HOR TAGAY

RABSHADIHII DALKA MASAR OO SII XOOGEYSANAAYO IYO MADAXWENIHII OO DAGAAL QARAAR KALA HOR TAGAY

Taageerayaasha Mucaaridka dalka Masar oo dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan dastuurka cusub ee uu dhawaan soo bandhigay madaxweynaha dalka Masar Dr. Maxamed Murzi iyo taageerayaasha madaxweynaha ee u badan kooxda Ikhwaanul Muslimiin ayaa dagaal qaraar oo gacanta la iskula tagay ku dhex maray dibada hore ee Qasriga Madaxtooyada dalkaas, halkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay.



Sida ay ku warantay wakaalada wararka dalka Masar ee Middle East ilaa afar ruux ayaa ku dhintay, halka in ka badan sadex boqol iyo konton qofna dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen isku dhacyadaas iyo rasaas ciidamada ammaanku ku fureen dhinacyada rabshaduhu u dhexeeyeen.

Mid ka mid ah hawl wadeenada gaadiidka Gurmadka deg deg ah ee dalka Masar oo lagu magacaabo, Dr. Maxamed Suldaan ayaa wakaalada wararka bariga dhexe ee laga leeyahay dalka Masar u sheegay in uu isagu arkay ilaa sadex ruux oo rasaas lagu furay ku dhacday oo u geeriyooday, kuwaas oo la geeyay wakhti xaadirkana yaala Cusbitaalka Hilobolisi lagu magacaabo.

Suldaan ayaa sidoo kale u sheegay wakaalada in sadexdaa qof magacyadoodu kala ahaayeen, Maxamuud Maxamed Ibraahin, Maxamed Khalaf iyo Maxamed Mamduux Axmed, halka uu xaqiijiyay in tirada dhaawacu gaadhay sadex boqol iyo lix iyo afartan qof.

Sidoo kale warar laga helayo goobaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in uu jiro qof afraad oo isaga laftiisu u dhintay dhaawac ka soo gaadhay rabshadihii maanta, waxaanay dadka goob jooga ahi sheegayaan in goobtaasi isku badashay meel dagaal oo xaaladu faraha ka baxday.

Sida goob joogayaashu u sheegeen wakaaladaha wararka waxa tirada khasaaraha sii kordhiyay qaar ka mid ah gaadiidka ciidamada ammaanka oo goobta yimi, kuwaas oo qiiqa dadka kaga ilmaysiiya ku furay mudaharaadayaasha labada dhinac si ay u kala dareeriyaan

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash