Rabshad hubaysa ayaa xalay Fiidkii ka dhacday xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa kadib markii lagu mumay natiijada doorashadii dhacday.
Xaalada ayaa caadi kusoo laabatay kadib markii ay Ciidamadda Booliisku dadkaas Rasaas ku kala dareeriyeen, iyadoo ay Rabshadaha xaafadaas ka dhacay oo ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor sameeyeen isla markaana uu socdeen in muddo ah.
Ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ay Rabshadahaasi sameeyeen lama oga, hase yeeshee warar is khilaafsan ayaa sheegaya inay Dhimasho iyo Dhaawacyaba jiraan, kuwaasoo lagu kala sheegayo Cisbitaalada Adna, Gar-gaar iyo kan Guud ee magaalada Hargeysa.
“Lama oga qasaraaha rasmiga ah ee rabshadahan, xiliga oo habeena h darteed, laakiin waxaa naloo sheegay in isbitaalada la geeyay dad waxyeelosoo gaartay” ayuu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.
Dhinaca kale intii ay rabashadu ka socotay magaalada waxa xaafadaha kale ee Hargeysa qaarkood ka socday dabaal degyo ay Xildhibaanada ku soo baxay Liiska Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo taageerayaashoodu ay ku marayaan qaar ka mid ah jidadka,.
Isku soo duuboo xaaladda Hargeysa ayaa imika degan, walow Ciidamadda Booliisku Heegan culus ugu jiraan sugida Amaanka magaaladda, isla markaana la xiray Meheradihii Suuqa gabi ahaantoodba.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































