GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka DIYAARAD LAGU MAGACAABO HORN OF AFIRICA AIRLINE OO BILAAWDAY DUULUMAADYO GUDAHA SOOMAALIYA

DIYAARAD LAGU MAGACAABO HORN OF AFIRICA AIRLINE OO BILAAWDAY DUULUMAADYO GUDAHA SOOMAALIYA

Diyaarada Horn of Africa airline ayaa si rasmi ah shalay uga bilowday magaalada Muqdisho duulimaadyo gudaha ah oo ay ku tagi doonto Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Shirkada Horn of Africa airline ayaa heshay dhamaan ruqsadihii ay ugu baahneyd dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa AMISOM, waxaana caleema saarka duulimaadkan shalay gelinkii dambe uu ku bilowday magaalada Kismaayo.

Diyaaradan ayaa qorsheyneysa inay maalin walba duulimaadyo ku tagto magaalooyinka Baydhabo, Beledweyn, Kismaayo, iyadoo ka ambabaxeysa magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska AMISOM ayaa lagu sheegay in howl galada diyaaradan uu siin doono dadka deegaanka inay si fudud ku tagaan deegaanadooda, iyadoo ay jireen cabsi xaga ammaan iyo wadooyinka oo bur bursan, waxaana sidoo kale duulimaadkan uu gacan ka geysan doonaa inuu fududeeyo baahiyaha jira iyo howlaha gurmadka deg dega ah.

Shirkadan ayaa horay uga howl gashay Somaliland iyo Puntland, waxaana ay uga mahadceliyeen Ciidamada AMISOM, kaalinta ay ka qaateen xaga ammaanka iyo dadaalka ay ugu jiraan in dadweynaha Soomaaliyed ugu soo celiyaan nabad iyo xasilooni.

Magaalooyinka ay duulimaadka ku tagi doonto diyaaradan ayaa waxay yihiin kuwo sanadkan ay la wareegeen ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo ciidamada Itoobiya oo taageeraya dowladda Soomaaliya

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash