GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka R/WASAARAHA SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN WAFDI HEER-SARE AH UU U DIRAAYAO MAGAALADA KISMAAYO...

R/WASAARAHA SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN WAFDI HEER-SARE AH UU U DIRAAYAO MAGAALADA KISMAAYO...

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshihii xasilinta Kismaayo, isagoo bogaadiyay is bedelada dhinaca amaanka ee ka jira magaalada xarunta u ah Jubada Hoose.

Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay inay xiiseynayaan in dhowaan wafdi sare ay u diraan, isla markaana nabadgelyada Kismaayo ay u noqoto mid lagu diirsado oo deg degta, isagoo xusay in wafdiga ay dirayaan rajeynayaan inay xal kama dambeys ka soo gaaraan xaaladaha Kismaayo.

"Kismaayo waxaa amaaneynaa sida ammaanka gudaha uu dadka isaga xil saaray, iyagoo aan wali dowladda taageero ka helin, waxaan ku dadaaleyna sidii ay u xasili laheyd"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Saacid.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolada dalka ay heli doonaan wax walba oo tasiilaad ah, isagoo ka dhawaajiyay in dhowaan la hirgelin doono dhameystirka agabka ciidamada qalabka sida, isla markaana dib loo howl gelin doono xeryaha ciidamadaa, si looga gun gaaro tayeynta ciidamada.

Maamulayaasha Kismaayo ayaa dhowaan soo celiyay wafdi uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo u kuur galayay arrimaha dhoofinta dhuxusha oo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha lagu mamnuucay.

Caqabadaha ugu weyn ee heysta Xukuumada cusub ayaa ah arrinta Kismaayo oo xaalkeedu yahay mid wali cakiran, iyadoo ay soconayaan shirar kala duwan oo looga arinsanayo aayaha Jubooyinka oo beelaha dega ay ka yeelanayaan

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash