GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka GAADIID WALXAHA QARXO LAGA SOO BUUXIYAY OO LAGU QABTAY MAGAALADA KISMAAYO

GAADIID WALXAHA QARXO LAGA SOO BUUXIYAY OO LAGU QABTAY MAGAALADA KISMAAYO

Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayay ciidamada ammaanka Kismaayo gacanta ku dhigeen daqiiqado kahor markii si lama filaan ah loo fashiliyay howsha qaraxaas.
Labada gaari oo kala ahaa bas (mini bas ama Homey) iyo gaari loo yaqaan Surf ayay Al-Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa waxayna labada gaari kusii socdeen saldhigga magaalada oo ku yaala bartamaha Kismaayo.
Sidoo kale waxaa la qabtay wadayaashii gawaaridaas (Drivers) gawaarida la qabtay midka loo yaqaan Surf noociisu wuu gaduudan yahay wuxuuna iminka horyaalaa saldhigga magaalada.
Falkan lama sheegin cidda fashilisay, laakiin qaar kamid ah Saraakiisha dowlada ayaa xaqiijiyay in laamaha sirdoonka Kismaayo loogu soo sheegay teleefan in labadaas gaari oo qarax saaran yihiin kusoo socdaan.
Markiiba wuxuu maamulku shirkadaha isgaarsiinta ku amray in la damiyo isgaarsiinta waayo waxyaabaha qarxa waxay ahaayeen kuwa lagu soo xiray mobile si meel dheer looga hago qaraxooda.
Muddo saacad ah ayay hawada ka maqnaayeen shirkadaha isgaarsiintu inkastoo iminka lasii daayay, waxaana soconaya howlgalo kale.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash