GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka WAFDI KA SOCDA DALKA JABUUTI OO UU HOGAAMINAAYO WASIIRKA GAASHANDHIGA OO BOOQDAY MAGALADA BALADWEYNE

WAFDI KA SOCDA DALKA JABUUTI OO UU HOGAAMINAAYO WASIIRKA GAASHANDHIGA OO BOOQDAY MAGALADA BALADWEYNE

Wafdi uu horkacayay wasiirrka wasaarrrada gaashaandhiga dalka Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Wafdiga oo sidoo kale safarkiisa ay wehlinayeen abaanduulaha ciidamada qaranka Jabuuti Jen Sakariye Shiikh Ibraahim iyo taliyaha nabad-sugida dalkaas Xassan Saciid ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax.

Wasiirrka iyo xubnaha wafdiga ee la socday ayaa markii ay ka soo degaan garoonka booqday xarunta ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay ka degan yihiin magaalada iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu tababar uga socdo dulleedka magaalada.

Intaa kadib xubnaha wafdiga waxaa ay u soo dhaqaaqeen gudaha magaalada oo uu socod lugta ah ku maray wasiirka gaashaandhiga Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil iyo saraakiisha safarkiisa ku wehlisay xilli uu bar-bar socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Goobaha ganacsiga magaalada ayaa furnaa dadkuna si caadi ah ayeey isaga ganacsanayeen waqtiga uu magaalada ku dhex lugeynayay wasiirka, tasoo u muuqata calaamad ugu yaraan muujineysa amniga ka jira magaalada.

Meelaha uu booqday wasiirka ayaa waxaa ka mid ah xarunta maamulka gobollka, tan degmada, xaruntii hore ee boostada, xaruntii bankiga gobollka, xeradii ciidamadii militariga ee Lama-galaay, Idaacada ku hadasha afka maamulka gobollka Hiiraan, iyo wabiga Shabeelle oo uu soo eegay sida uu magaalada u dhaxmaro.

Wasiirrka gaashaandhiga Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii ay dhiiri-galin ugu sameyn lahaayeen howlgalka ciidamada Jabuuti ay ka wadaan gobollka Hiiraan iyo waliba u kuur-galid la xiriirta sida ay u socdaan howlaha nabad ilaalinta ciidamada.

Waxaa uu sheegay in nabad-galyada magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobollka Hiiraan marnaba gor-gortan la galin karin loona baahan yahay sida uu hadalka u dhigay in gacan bir ah lagu qabto.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 
Comments (1) Comments are closed
fariin
1 Monday, 03 December 2012 10:29
marka hore waxaan salaamayaa websiteka Gesguud

waxaan,rabaa inaan halkan fariin kagaarsiiyo dadka ku,abtirsada hada ogaadeenka ee degan jubooyinka kuwaas oo asal koodii hore kasoojeedey qabiilka wardeyda intooda badan 100%90 maa,daama siyaasadii la,isku,fahmey waxaa hada u,sharafbadan inay unoqdaan asalkoodii,hore ee ahaa (wardey,cali)hadii ay,sidaas yeelaan hoosha ay hada wadaan way,uhagaageysaa umana baahanayaan sawaaxili
waadna mahadsantihiin waxaana rajeynayaa inaad kafaa,ideysataan fikirkaas oo ah mid idiin anfacaya


Newsflash