GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka SHEEKH FU,AAD SHONGOLE OO MAANTA LAGU ARKAY MEEL FAGAARE KANA QUDBEEYAY

SHEEKH FU,AAD SHONGOLE OO MAANTA LAGU ARKAY MEEL FAGAARE KANA QUDBEEYAY

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf Shangole oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab kana mid ah Hogaamiyaal sar sare oo katirsan Al-Shabaab oo madaxooda la dul dhigay lacag malaayiin Dollar ah.

Hogaamiye Sheekh Fu’aad Shangole ayaa maanta lagu arkay oo kasoo dhax muuqday Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan halkaas uu maanta kula hadlay Boqolaal qof oo taageersan Mowqifka Xarakada Al-Shabaab.

Sheekh Fu’aad ayaana la sheegay in Maalmihii ugu dambeeyay uu kusugnaa Qeybo kamid ah Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe maanta lagu arkay goob ay kasocdeen Dibad baxyo balaaran oo looga soo horjeeday Masjid ay Shabaab sheegeen in kaniisad loo badalay oo kuyaala Magaalada Baladweyn iyo Sharci gaf ah ay ansixiyeen Baarlamanaka Holand.

Dibadbaxan Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyn ayaa la sheegay in ay dadku aad uga careesnaayeen uguna soo horjeedeen Masjid ay Ciidamada Itoobiyaanka u badaleen Kaniisad ayna dhigeen hareeraha Masjidka Calaamadaha Kirishtaanka oo alwaax ka sameesan,

Sheekh Fu’aad oo hadal ka jeediyay Dibad baxa ayaa aad u weeraray Ciidamada Itoobiya ee kusugan Soomaaliya uu ku eedeeyay in uu Masjid Baladweyn kuyaala u badaleen Kaniisad ,sidoo kale waxa uu aad u dhaliilay una Weeraray Dowlada Holand uu sheegay in ay hirgaliyeen Sharci sharafta Diinta Islaamka wax u dhimaya.

‘’Dadku waxay leeyihiin maxaa masaajidka Beledweyne kaniisad loogu bedelay taas meel iska dhigay,gaalada itoobiya horay ayay masjid jaamacii Harar uga dhigtay kaniisad muslimiinta hadday jihaadka ka haraan sidaas ayaa masaajiddooda loo duminayaa ,hadii aysan dadku jihaadin oona difaacin siharafta Diinta islaamka waxaa la dumin doonaa Masaajid badan . Ayuu yiri Sheekh Fu’aad.

Sheekh ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Sharci la sheegay in ay ansixiyeen Baarlamaanka Holand oo ku aadan in Dadku ay caayi karaan Ilaah subxaanahu watacaalaa ,qofkii caayana uusan wax dambi laheyn .

Sheekh Fu'aad ayaana ku booriyay umada Islaamka in ay la dagaalamaan gaalada gaar ahaan Dalka Holand ay dilaan cid kasto ay arkaan oo Gaalo ah ,ayna soo camiraan Safafka Jihaadka si gaalada loo naafeeyo.

"Gaalada Holland maanta waxay dhaheen Allaah ayaa lacaayi karaa middaas waxaa weeyaan midda ay Holland soo saartay su'aashu waxaa weeyaan Allaah Ceeb maleeyahay,Allaah cazza walla ceeb malahan waana ceeb ka saliim, waad arki doontaan in Towxiidka aan u dhimanno gaalna agteena uusan nabad ku noolaan"ayuu yiri Sheekh Fu'aad Muxamed Khalaf.

Dibad baxan Maanta ka dhacay Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Taageerayaal fara badan oo Al-Shabaab leeyihiin iyadoona la arkayay Haween tiro badan oo wata qoryo iyo astaanta Xarakada Al-Shabaab.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash