GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka SHIR LOOGU HADLAAYAY MAAMUL-USAMEYNTA JUBOOYINKA OO MUQDISHO LAGU QABTAY (FAAH-FAAHIN)

SHIR LOOGU HADLAAYAY MAAMUL-USAMEYNTA JUBOOYINKA OO MUQDISHO LAGU QABTAY (FAAH-FAAHIN)

Kulan looga hadlayay qaabkii maamul loogu sameyn lahaa Gobolada Juubbooyinka uuna ka qeybaglay wasiirka arrimaha gudaha aya amaanta lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan oo maanta lagu qabtay Hoteelka City Place ee Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuled, Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo salaadiin kasoo jeedda gobolada Juubbooyinka .

Kulanka ayaa looga dooday sidii maamul mideysan ay dadka deegaanku u sameysan lahaayeen taageerana ay uga heli lahaayeen dowladda federaalka ah ee Somalia.

Mid kamid ah dadkii ka hadlay kulanka ayaa codsaday in ahmiyadda la siiyo sidii meel hoose looga soo bilaabi lahaa dhismaha maamulka gobollada, islamarkaana Urur Goboleedka IGAD looga baahanyahay haddii uu wax fududeynayo inuu u soo maro Dowladda Federaalka ah oo wakiil ka ah Ummaddeeda…

Suldaan C/Qaadir Luga dheere oo isna ka hadlay kulanka ayaa tibaaxay in Shacbiga Jubbooyinka ay sameysanayaan maamul ay u dhanyihiin dowladdana ay ka codsanayaan inay arrintaasi ku gacan siisi.

Wasiirk arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuled oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dejisay siyaasad guud oo ay ka damacsantahay sameynta maamullada Gobollada dalka, iyadoo la tixgelinayo nidaamka federaalka ah waxa uuna xusay in uusan jirin mamul ay dowladdu kor ka magacaabeyso hase ahatee taas bedelkeeda ay shacbigu dhisan doonaan oo ay dowladdu u sharciyeeneyso.

Kulankan ayaa imaanaya xilli la doonayo in dhawaan maamul rasmi ah loo sameeyo gobollada Juubbbooyinka oo qeybo badan oo ka mid ah laga saaray maleeshiyaadka kooxda shabaab, kuwaas oo dhibaatooyin farabadan horay ugu hayay shacbiga ku nool deegaannadaasi.

Mahad Ali  Muqdisho Geesguud News

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash