GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka GOLAHA WASIIRADA SOOMAALIYA OO ISKU RAACAY IN CIIDAMO GAAR AH LAGA HOWL GALIYO MUQDISHO

GOLAHA WASIIRADA SOOMAALIYA OO ISKU RAACAY IN CIIDAMO GAAR AH LAGA HOWL GALIYO MUQDISHO

Golaha wasiirada xukuumada Somalia ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kaasoo uu shir gudoominayey raisul wasaare Saacid.

Waxaa kulanka ka dib saxaafada la hadlay Wasiirka Warfaafinta boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Xirsi Ciilmooge oo sheegay in kulanka maanta lagu lafa guray qodobo ay ka mid yihiin amaanka iyo dhaqaalaha si weyna looga dooday.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in amarkii ka soo baxay madaxweynaha Somalia ee ahaa in la qaado illaa 60 isbaaro oo taala Muqdisho uu si wanaagsan u dhaqan galay lana qaaday dhamaan isbaarooyinkaas marka laga reebo ayuu yiri dhowr meelood

Qodobada muhiimka ah ee golaha wasiiradu ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa nabadgelyada, waxaana isla gartay in ciidamo gaar ah la geeyo 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, si ay u xoojiyaan amaanka kuwaasoo qalabkooda iyo hubkooda loo dhameystirayo” ayuu intaa ku daray wasiirku.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiirka Warfaafinta boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Xirsi Ciilmooge waxaa uu sheegay in degmo walba la geyn doono 100 askari oo ka madax banana ciidamada kale kuwaasoo uu xusay iney gacan bir ah ku qaban doonaan amaanka.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in laga wada hadlay dhaqaalaha, isagoo xusay in la isla go’aamiyey dekeda Muqdisho oo ah halka dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo xukuumada in si lala socda dhaqdhaqaaqa ka jira kormeero joogto ah laguna sameeyo

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash