GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka AXMED MADOOBE OO SHEEGAY IN MAAMUL U SAMEYNTA KISMAAYO AAN LAGALA TASHANEYNIN DOWLADA SOOMAALIYA

AXMED MADOOBE OO SHEEGAY IN MAAMUL U SAMEYNTA KISMAAYO AAN LAGALA TASHANEYNIN DOWLADA SOOMAALIYA

Guddoomiyaha ku meel-gaarka Maamulka Kismaayo Axmed Madoow ayaa sheegay in Kismaayo aan laga hirgalin doonin Maamul ay soo dhistay Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheikh Maxamuud
Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili Xukuumadda Somalia ay ku hanweyntahay in Magaaladda Kismaayo ay ka hirgaliso maamul hoostaga Xukuumadda hayeeshe arintaasi ayaa waxaa buuq ka dhaliyay masuuliyiinta Maamulka Kismaayo ee iminka gacanta ku haaya

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ay ka arinsadeen Dowladaha Ethopia iyo keenya oo labaduba siyaabo kala duwan u arka arinta kismaayo balse ay ugu dambeyntii isku raaceen in dowlada soomaaliya faraha loogu qaado maamul u sameynta jubooyinka
Axmed Madoobe ayaa isagu is laheysiiyay Magaaladda Kismaayo waxaana arinkaasi ka biya diidan Qabaa’ilka kunool Magaaladaasi Kismaayo iyo Xukuumadda Somalia waxaana socda waan waan lagu doonaayo in Magaaladaasi lagu soo daro Deegaanada hoostaga Xukuumadda islamarkaana Maamulkeeda laga qeyb galsho Gabi ahaan Qabaa’ilada kunool Kismaayo oo iyagu dareensan in laga tagay xuquuqdooda
Ugu dambeyntii Axmed Madoobe oo markii hore garab buuxa ka helayay IGAD iyo Xukuumadda Kenya ayaa kabiya diidan wali in Xukuumadda Somalia ay faragaliso Maamulka Kismaayo

Cali Cabdi Yare Kismaayo Geesguud News

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash