GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka MADAXWEYNE C/RAXMAAN FAROOLE OO KA BADBAADAY QARAX LALA BEEGSADAY

MADAXWEYNE C/RAXMAAN FAROOLE OO KA BADBAADAY QARAX LALA BEEGSADAY

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in uu fal dil ah ka bad baaday madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole.

Gadiid uu la socday Madaxweyne Faroole kuna sii jeeday magaalada Boosaaso aya waxaa lala eegtay qarax xoogan oo la doonayay in madaxweynaha lagu qaarajiyo.

Mid kamid ah dadka magaalada Carmo ayaa sheegay in Qaraxa lala eegtay Kolonyada Faroole xili uu marayay deegganka Laba-Wanleey oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso.

Waxaa jira qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo garay ciidamada ilaalada gaarka u ahayd madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C.Raxman Sh Maxamed Faroole.

Ilaa iyo haatan waxaanan kala cadeyn qaabka uu qaraxas udhacay, waxaana jira warar sheegaya in qaraxa uu ahaa bambo loo aasay gaadiidka uu madaxweynaha la socday, halka kuwa kalana ay tilmaamayaan in mid kamid ah ilalada madaxweynaha ay Bambo ka fakatay.

Ma jiro wax qasaaro ah oo madaxweynaha soo gaaray, waxaana haatan uu kusugan yahay magaalada Boosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Markii uu magaalada soo gaaray ayuu saxaafada lahadlay waxaana uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin doonaya in amaanka Puntland waxyeeleenan.

Waxaa uu sheegay in uu ka hortagi doono kuwa amaanka Puntland diidan ee gudaha iyo dibada kaga sugan Puntland sida uu hadalka udhigay

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash