GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka FAARAX MACALIN; MA OGOLAAN DOONO IN SOOMAALI WAXYEELO LOO GEEYSTO GANACSIGOODANA LA DHACO

FAARAX MACALIN; MA OGOLAAN DOONO IN SOOMAALI WAXYEELO LOO GEEYSTO GANACSIGOODANA LA DHACO

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaara ayaa si kulul uga hadlay rabshada ka socda magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa, wuxuuna sheegay in ciidanka Kenya iyo askarta Keenyaanka ah ay baneysanayaan sidii ay hantida Soomaaliyeed ee taala magaalooyinkaasi u dhici lahaayeen, wuxuuna xusay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban falalkaasi foosha xun in la arki-doono madax badan oo iscasileysa.

Faarax Macalin oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Baarlamaanka Kenya ay kulan degdeg ah ka yeelan doonaan dhacdooyinka naxdinta leh ee ku soo kordhay dalka Kenya, isla markaasna ay ka doodi doonaan Baarlamaanka sidii arrinkaasi wax looga qabanlahaa, iyadoo Xukuumadda Kenya uu ku eedeeyay in waxa dhacaya oo dhan ay iyadu mas’uul ka tahay, isla markaasna ciidanka Kenya ay gubeen suuqii Gaarisa, dad shacab ahna ay ku laayeen halkaasi.

“Waa la arki doonaa waxa ka dhaca haddii aan jawaab degdeg ah laga bixin waxa ka dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa, wixii ka dhacay Nairobi iyo Gaarisa dad baa isku casili doona oo madaxda Kenya ka mid ah, runtii ma yeeli doono in dadka Soomaaliyeed la dhibaateeyo, welibana hantidooda la boobo, Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Kenya way aamusanyihiin ma garankarno waxa ay u aamusanyihiin, laakiin way soo bixi doontaa” ayuu yiri Faarax Macalin Dawaara.

Faarax wuxuu sheegay in wasiirka gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo ah nin Soomaali ah iyo mas’uuliyiinta arrimaha gudaha ay ku qasbi doonaan inay Baarlamaanka horyimaadaan, ayna ka jawaabaan sababta ay ku dhacday in dad rayid ah lagu weeraray oo qaarkoodna la dilay qaarna la dhaawacay, kuwo kalena goobihii ay ku ganacsanayeen la boobay, lana gubay, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Wax aan u dulqaadan doono ma ahan, haddii mas’uuliyadooda ka soo bixi waayeen howshooda oo ay gabeen ma ahan in dadka la dhibaateeyo”.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo la weydiiyey in Soomaalida loo aaneyn karo qarixii ka dhacay magaalada Nairobi Axadii ee ay ku dhinteen 7-da ruux, fowdadana ay ka dhalatay, ayna ku dhaawacmeen 34-kale iyo dilkii magaalada Gaarisa loogu geystay seddex askari oo militariga Kenya ka mid ah ayuu sheegay inay Kenya ay ka jiraan siyaasado kala duwan xilligan lagu jiro xilli doorasho soo dhawdahay sidaasi darteed ay jiraan dad ka faa’ideysanaya, isla markaasna aan loo aaneyn karin dad Soomaali ah inay ka dambeeyaan wixii dhacay oo dhan, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaalida ah inay is ilaaliyaan, ayna ka fogaadaan goobaha ay ka dhacayaan rabshadaha.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 
Comments (1) Comments are closed
layaabka adunka
1 Sunday, 25 November 2012 12:27
faarax macalin arinkisa waa nin mesha u socdo is aqoon shalay waxuu lahaa afmadow loga talinmayo muqdisho mantoo dhibkuu shalay abuuray ay gaartay shacabka ku dhaqan nbi karisa ayuu qaylinaa tiitiin canbo madhalo geedkad beerayay mirisiisa haka qaylinin somalina ha beerdulucsan adaa shib ka u aburay iyo in kula fikir ahaa waxwalboo nagarayna wankakabsan donaa cabidana noga danbayn dhibka lkin adiga 2wajilanimada daa


Newsflash