Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada Gobolada Jubooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Kenya kuwa Raaskanbooni iyo Ciidamo tiro yar oo wata Magaca Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.
Jeneraal Galaal ayaa sheegay in Xaalada kajirta Gobolada Jubooyinka xiligan in ay tahay mid aan lagu farxi karin ayna u muuqato mid gacanta Dowlada Soomaaliya ka baxday isagoona tusaale usoo qaatay Diidmadii Magaaladaasi in ay galaan Masuuliyiin katirsaan Dowlada loogu diiday ay Muujineyso magaaladaasi gacan Dowlada Soomaaliya leedahay ku jirin.
‘’Walaal waa Nasiib daro in Magaaladii Kismaayo Maanta loo diido in ay galaan Masuuliyiin mataleysa Qaranka Soomaaliyeed ayna is hor istaagaan Saraakiil Kenyan ah iyo Maleeshiyaad aan dowli aheyn ,waana wax laga xumado arinkaasi dhacay ‘’ ayuu yiri Jeneraal Galaal.
Waxa kale intaa ku daray Jen. Galaal in Hamigii iyo Riyadii mudo ku taamayeen Dowladaha Kenya iyo Itoobiya in uu u rumoobay iminkana ay kala qeybsadeen qaar kamid ah Gobolada Dalka Gobolada Jubooyinkana ay gabi ahaan ku jirin gacanta Dowlada Soomaaliya.
Hadalkan Janaraalkan katirsanaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Magaalada Kismaayo ay maamulkeeda heestaan Maleeshiyo uu Hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya oo iyana wata Magaca AMISOM hasa ahtee aan ku dhaqmin howla kalana halkaasi kawadata
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .
| < Prev | Next > |
|---|








BBC 04:00 GMT 









































