GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole oo sheegay inuu wafdi u diraayo magaalada kismaayo. Sii Aqri

Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole oo sheegay inuu wafdi u diraayo magaalada kismaayo. Sii Aqri

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, kadib markii horaantii bishan ay la wareegeen Ciidamada dowladda, Raaskambooni iyo Ciidanka Kenya ee AMISOM qeybta ka ah.

C/raxmaan Faroole oo sheegay inay Wafdi u dirayaan magaalada Kismaayo, si ay wax uga ogaadaan howlaha maamul u sameynta ee ka socota magaalada Kismaayo iyadoo u muuqata faragalin hor leh oo mushkuliyada jubooyinka sii kicineysa.

"Wafdi ka socda dowladda Puntland ayaan u direynaa, si ay wax uga ogaadaan maamulka loo sameynayo Kismaayo"ayuu yiri Madaxweyne Farooel oo ku baaqay in Maamulka loo sameynayo uu noqdo hab cadaalad ku saleysan.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale xusay inay taageersan yihiin in la dhiso Maamul goboleedka Jubbaland, isagoo ku taliyay in maamulkaas xubnihiisa loo sinaado.

Gudoomiyaha Ururka Raaskambooni ee qeybta ka ahaa xoogagii la wareegay Kismaayo oo ay dadka deegaanka si xoogan ugu soo hor jeedaan ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in Maamulka loo sameynayo Jubooyinka uu noqonayo qaab ku saleysan deegaan, isla markaana awoodaha maamulkaas loo qeybsanayo deegaan iyo tuulo intaba.

Tan iyo markii Kismaayo ka baxday gacanta Al-Shabaab waxaa jiray muran weyn iyo xiisado siyaasadeed ay ka wadaan maamulo iyo shaqsiyaad aanan shaqo ku laheyn Degaanka oo ka taagnaa maamul u sameynta Kismaayo oo ah magaalo dhaqaalaheeda ay isha ku wada hayaan beelaha dega Jubooyinka.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
Comments (1) Comments are closed
kismaayo
1 Tuesday, 30 October 2012 23:14
wafdiga uu dirayo faroole wa wax leysla ogyahay
waxaana nairobi ku heshiiyey si hoos ahaan ah beelaha majeerten,mareexan,ogaaden, heshiskaas onan la ogeyn qodobadii kasoobaxay
waxayse dadka wax falanqeyaa shegayaan heshisku inuu ahaa in ay si isqancin ah dhexdooda uqeybsadaan maamulka jubooyinka

waxaase la isweydiinaya beelaha shekhaal iyo gaaljecel miyeynan ahayn dad sida dadka usamaysan
iyaga oo kamid ah beelaha ugu badan eedaga jubooyinka gaar ahaana lootiriyo lahaanshaha magalada kismaayo
hadana waxa kasaaray saaxada siyaasada

waxaana xusid mudan beelahani inay dhowrayaan un xaga iyo muqdisho waxtarna ay kasugayaan xassan garguurte o tisiiba cusleysay
oo ay hilmaamenba inay iyagu wax qabsan karaan qeyrkoodna wax laqeybsankaraan
ayna taas badalkeeda kadoorten in deeganaday udhasheen dad meelo fog kayimid ku kor maamushaan


Newsflash