GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Wafdi ka socdo Urur IGAD oo Magaalada Kismaayo ku leh kulammo looga hadlayo Sugidda Ammaanka...

Wafdi ka socdo Urur IGAD oo Magaalada Kismaayo ku leh kulammo looga hadlayo Sugidda Ammaanka...

Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan magaaladaasi.

Masuuliyiinta dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayaa Wafdiga qado ugu sameeyay Hotel Kismaayo oo ku yaal xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaaayo, waxaana imika halkaasi ka soconayo kulan looga hadlayo arimaha Jubooyinka.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Shirka ayaa Warbaahinta u sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ay kamid yihiin sugidda ammaanka goobaha laga saaray Al-shabaab iyo weliba dardar gelinta dadaallada la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka.

Sidoo kale masuuliyiintani ayaa la filayaa in kulankooda ay diiradda ku saaraan qaabka ugu haboon ee magaalada Kismaayo loogu soo rari karo shirka looga hadlayo maamul u sameynta Jubooyinka ee ka soconayo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ammaanka goobta uu shirka ka dhacyo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in marka uu kulanka dhamaado ay masuuliyiintani kormeer kusoo maraan qeybo katirsan magaalada Kismaayo, sida Dakadda, Airporta iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Wafdigan maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli urur goboleedka IGAD uu qorsheynayo in shirka looga hadlayo maamul u sameyn Gobollada Jubooyinka ee ka socdo Nairobi loo wareejiyo dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
Comments (1) Comments are closed
Dood
1 Friday, 19 October 2012 10:18
Wiilsomaliyeed
Dhamaan Hadaa Nahay Dadka Ka soo Jeeda Jubooyinka Waa Ka soo Horjeednaa Inay Dawlada Kenya Ka Samayso Mamul Halkaas Waxay u samaysay Mamul Jabhad. Meeshana Waxaa Laga Saray Jabhadkale Marka Waxay Is Dhaman Lamahan Dhamaantooda Madoonayno Inuu Dalkeena Dib igu Laabto Dagaal .


Newsflash