GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Dagmo Cusub Oo Kusoo Korortay Dagmooyinka Muqdisho

Dagmo Cusub Oo Kusoo Korortay Dagmooyinka Muqdisho

 Degaanka Kaxda ee Duleedka degmada Dharkeenley ayaa waxaa si rasmi ah maanta loogu aqoonsaday in aytahay ama ay noqoto degmadii 17aad ee ka tirsan Gobolka Banaadir kadib markii munaasaban ka dhacday Dagmadaan Cusub oo ayna kaqeeb galeen masuuliyiin badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaana ay aheed munaasabadaan mid siheersare loo soo agaasimay taas oo kadhacday Dagmada cusub ee Kaxda waxaana ay kamid noqotay degmooyinka Gobolka Banaadir oo horay u ahaa 16-dagmo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Wareegto dhowr bilood ka hor soo baxday oo uu kusaxiixan yahay Shariif Shiikh Axmed oo ay Wasaarada Arrimaha Gudaha waqtigeeda idlaaday ay soojeedisay ayaa waxaa degaanka Kaxda loogu magacaabay Dagmo rasmi ah waxaana qalinka ku duugay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho.

Masuuliyiinta ayaa waxaa kamid ahaa ee kaqeebgalay munaasabadaan Xoghayaha Gobolka Banaadir, Gudoomiye kuxigeenka dhanka amaanka iyo Afhayeenka waxaana halkaasi kusugnaa Masuuliyiin kala duwan iyo qaar kamid ah dadka degaanka.Waxaana gudoomiya dagmda kaxda loomagacaabay Cabdu Wali oo horay u ahaa Gudoomiya degaanka Kaxda iyadoona ay maanta sirasmi ah umagacaabay Dowlada Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa arintaan soo dhaweeyay oo arin wanaagsanna ku tilmaamay.

wariye: C/laahi C/rahmaan (foorgoo)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it     This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
Comments (1) Comments are closed
Hambalyo
1 Tuesday, 16 October 2012 17:09
Waxan aad ugu faraxsanahay in laga dhigo degaankeena degmo ka tirsan degmooyin ka gobalka banaadir waa horumar u soo hoyday dadka dagan degmaadaasi iyo kuwa ku abtirsada waxan idin dhihi lahaa hambalyoooooooooooooooooooooooooooooooo xajista degaankiina


Newsflash