GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka XOG KU SAABSAN QILAAF KALA DHEX GALAY CIIDAMADA GACANTA KU HAYA MAGAALADA KISMAAYO

XOG KU SAABSAN QILAAF KALA DHEX GALAY CIIDAMADA GACANTA KU HAYA MAGAALADA KISMAAYO

Tan iyo intii ay gacan ku heynta magaalada Kismaayo la wareegeen ciidamada huwanta ee ka kala socda dowladda Soomaaliya, Raaskambooni iyo kuwa Kenya ayaa waxaa soo baxayey khilaaf ku aadan cidda maamuleysa magaalada Kismaayo iyo sidoo kale cidda xaqa u leh inay maamul u sameyso magaalo xeebeedkaasi, iyadoo khilaafkaasi uu hadda gaaray heerkii ugu xumaa oo ka dhex-jira ciidamada Huwanta, inkastoo aan la baahin.

Khilaafka ka dhexjira ciidamada huwanta ee ku aadan maamul u sameynya magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Gen. Ismaaciil Saxar-diid oo sheegay in khilaaf uu jiro, laakiinse uusan gaarsiisneyn sida ay dadka qaarkiis u dhigayaan, wuxuuna ku dooday inuusan isagu ogeyn khilaaf raski ah oo ka dhex-jira ciidamada huwanta ee todobaadyo ka hor la wareegay gacan ku heynya Kismaayo

“Runtii khilaaf wuu jira karaa waayo maamulo kala duwan oo uu mid waliba doonayo inuu isagu si gooni ah u maamulo Kismaayo ayaa ku wada-sugan, laakiin waa been aan sal iyo raad-toona laheyn in magaalada Kismaayo ay haatan u kala qeybsantahay labo qeybood, isla markaasna ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ay isku khilaafsan yihiin maamul u sameynta Kismaayo, waxaan idiin sheegayaa inay jirto soo jeedino mid waliba uu ku sheegayo inuu isagu xaq u leeyahay maamul u sameynta” ayuu yiri Gen. Ismaaciil Saxar-diid oo warbaahinta Muqdisho la hadlay.

Sidoo kale Gen. Saxardiid waxa uu beeniyay isla markaasna uu ku dooday inaysan jirin kala aragti duwanaansho u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo ururka Raaskambooni, joogitaanka ciidanka labada dhinac ee Kismaayana uu yahay mid fiican oo ay ciidamadu si joogto ah u wada-shaqeeyaan, wuxuuna ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu si degdeg ah maamul ugu soo magacaabo magaalada Kismaayo.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
Comments (1) Comments are closed
Jabhad
1 Friday, 12 October 2012 16:10
gaandi
Doonimayno Jabhad Inay Jubooyinka Kataliso al shabaab iyo Raskabooni Waa Isku Mid Ciidan Dawlad Halkaas Majoogaan ee Waa Ciidamo Beeleed Wax Lagu soo dhisaayo Dalka Banaankisa Ma Doonayno Mamulka Gobolka Halagu soo dhiso Dalka Gudahiisa


Newsflash