GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Maqaallo Ninkii ugu horeeyay ee Indhool ah ee Soomaaliyeed oo Darajada Master Qaatay “SAWIRRO”

Ninkii ugu horeeyay ee Indhool ah ee Soomaaliyeed oo Darajada Master Qaatay “SAWIRRO”

E-mail Print PDF

Maxamed Axmed Maxamuud oo Dadka u yaqaanaan (Maxamed Indhool) waxa uu ku dhashay indhoolanimada, hasayeeshee waxa uu u istaagay sidii uu dadka kale uu ula mid noqon lahaa waliba dhanka waxbarashada.

Maxamed waxa uu Bachelor- kaga soo qaatay Magaalada Muqdisho ee Dalka Hooyo taasoo ay Dadku la yaabanaayeen sidee qof indha la’aan ah uu Jaamacad u dhiganaya,  hasayeeshee waxa kasii darneed markii uu hamiyay in uu Master oo Bachelor-ka ka saraysa uu dibadda  u doonto si aqoontiisa usii kor dhiyo.

Jaamacadii uu codsiga u gudbistay xitaa way ka caga jiitay iyadoo is leh qof indhool ah wax ma baran karo  marka laga reebo maahee Jamacadaha indhoolayaasha loogu talagalay ee uusan la dhigan karin  Arday indha qabta.

Lakiin  markii dambe Dalka Sudaan ayaa u ogolaaday waxa uuna noqday ama Jaamacadda uga baxay darajada masterka Imtiyaaz oo ah kaalinta 1aad ee Jaamacaddaha, ayna yar tahay inta uga qalin jabisa.

Maxamed waxa uu Jaamacadda iyo Casharada usoo xaadiri jiray si caadi ah, in kastoo marka uu doono in uu casharka ku ceshado oo qof asxaabtiisa ah ka codsanayay in uu u aqriyo isagana wa uu xifdin jiray.

Imtixaankana marka uu galayo waxa loo qaban jiray Macalin u aqriya Su’aalaha Warqada Imtixaanka ku qoran isagana waa uu ka jawaabi jiray isla Macalinka ayaan u qoraya mar kale jawaabta .

Maanta waxa uu noqday inta la ogyahay Ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee Indhool ah oo qaata Master degree oo aysan jirin cid ku haysata kaalintaas.

Waxa laga yaabaa Maxamed in uusan arkayn waxba badan hasayeeshee waxa la oran karaa Maanta kumaan ama malaayiin indho qabta ayuu ka cili badan yahay.

Waxa uuna rajeenayaa  Maxamed  in uu cilmigiisa Dadka uga faa’ideeyo uuna noqdo Macalin wax ka dhiga Jaamacadaha Dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

Last Updated on Monday, 08 October 2012 11:00  
Comments (1) Comments are closed
Maashaa alaah
1 Wednesday, 26 December 2012 16:37
Libooyo
mashaa alaah ad ayaan ugu faraxsanahay walaalkeena qatay shahaadada qaaliga ah waana tusaale


Newsflash