GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Maamul Goboleedka Jubba Raas State oo Kulan ay yesheen uga Hadlay Marxalada Gobolada Jubooyinka Hamb

Maamul Goboleedka Jubba Raas State oo Kulan ay yesheen uga Hadlay Marxalada Gobolada Jubooyinka Hamb

kulan uu shir Gudoominayay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubba Raas State islamarkaana ay ka qeyb galeen golaha Wasiirada ee Maamul Goboleedka Jubba Raas State ayaa ka dhacay dalka Sweden ayada oo Kulankaan lagu lafa Gurayay Xaaladahihii ugu danbeeyay ee Gobolada Jubooyinka ee Konfurta dalka soomaaliya iyo Marxalada Cusub ee uu dalku galay.

Waxaana Kulanka intii uu socday Warbixino looga dhageystay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo wakiil ka mid ah wakiilada Maamulka ayada oo ay ka mid ahayeen dadkii warbixinada dhiibaya Wasiirka Warfaafinta Maxamed Yasin Xaji iyo wasiirka Haweenka Ayaan Alifley,Wakiilka Maamul Goboleedka Jubba Raas State ee dalalka Mareykanka iyo Canada Mudane Maxamed Carab oo qadka uga qeyb qaatay.

Waxaana wasiirada iyo wakiilku ay ka ahdleen Howlihii ugu danbeeyay ee ay qabteen iyo Howlaha hor yaala Maamulka Jubba Raas State ayada oo wada hadalo dheer oo looga dooday Siyaasada,Amniga, Caafimaad, Waxbarashada qodobo kale.

Waxaana Madaxda Maamulka Juuba Raas state isla garteen in Howlaha horyaala Maamulka wax laga qabto islamarkaana sidii dadka ku aftirsada Maamulka ee dagan Jubooyinka loo garsiin lahaa Hormar iyo Amni ay ku nalodaan ay qasab tahay in Maamul wax ka qabto howlaha laga hadlay si arimahaasi u fududdaan.

Kulanka ayaa waxaa Madaxda maamulka sidoo kale uga hadleen Marxalada Cusub ee uu dalku galay ayada oo ku tilmaamay Doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Muqdisho Mid Tariikhi ahayd islamarkaana ay uga hambalyeynayaan Guud ahaan shacabka soomaaliyeed Gushaasi gaar ahaan Madaxweynaha cusub Xasan sheekh Maxamuud ee noqday Madaxweyne Federalka Soomaaliya Guushiisa uu ku guuleystay Doorashada dalka.

Waxaana Madaxda Maamulka Jubba Raas State ay ka rajeyeen in uu xilka Culus ee loo dhiibay alle la garab garo islamarkaana uu Madaxweynu hu howlaha Horyaala ee dadka iyo dalka u baahan yahan uu wax weyn ka qabto tasoo ugu horeysa Amniga asaga oo kaashanaya Maamulada dalka ka jira.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa uu Kulanka ay yesheen Madaxda Maamul Goboleedka Jubba Raas State uu ku soo gaba gaboobay wax qabad iyo waliba in ay sii socdaan Kulamada Maamulka Gudaha dalka iyo dibada ka socda asaga Maamulkaan ugu baaqay shacabka Gobolada hoos taga in ay Hormarka iyo Nabada kala shaqeyaan Maamulka Jubba Raas State.

Xafiiska Warfaafinta Maamul

Goboleedka Jubba Raas State.

Geesguud News.

Geesguud.com

 


Newsflash