GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo fariintii u horeysay u diray Al-Shabaab Shir Jaraid

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo fariintii u horeysay u diray Al-Shabaab Shir Jaraid

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisii jaraa'id ugu horeeyay galabta ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, maalin ka hor caleema saarkiisa, isagoo shirkiisa jaraa'id uga hadlay arrimo badan oo la xiriira waxyaabaha hor-yaala dowladdiisa.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay inuu 30-maalmood gudahood ku soo magacaabayo Ra'iisul Wasaare, isagoo ka dhawaajiyay inay dhamaatay is qab qabsigii iyo khilaafaadkii soo kala dhex geli jira Madaxda dowladda.

"Nidaam iyo qawaaniina jirta ayaa tilmaameysa, 30-maalmood ayaan heystaa inaan ku soo magacaabo Ra'iisul Wasaare, ilaa sodonka maalmood sina igama dhaafi doonto hadii alle yiraahdo"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa'id la qabtay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya lagu ixtiraami doono hey'ad kasta mas'uuliyadeeda, isagoo ka dhawaajiya in loo baahan yahay in Baarlamaanka doorkiisa qaato.

"Is qab qabsiga waa dhamaaday waxaa bilowday axdigii wada shaqeynta, iyo is ixtiraamka, in mas'uuliyad walba la isku ixtiraamo, aniga iyo Gudoomiyaha waxaa nahay labo qof oo saaxibo ku ah Soomaaliya inay Dowladnimo ka dhaqan gasho"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkiisa jaraa'id ku soo hadal qaaday waxa ay dowladdiisa ka yeeleyso, isagoo fariin adag u diray, waxaana uu xusay in Shabaab ka kooban yihiin labo qeybood.

"Shabaab waa labo qeybood, qeyb waa wiilal soomaaliyed iyo gabdho Soomaaliyed, waa wadaniyiin dalkan ayay wax ka leeyihiin, laakiin waxaa loo baahan yahay inay ku noolaadaan waxa dalkan iyo dadkan maslaxada u ah oo ay qaadaan oo ka shaqeeyaan, fariin maslaxada dalkan ku jirto, waxaan ognahay Shabaab in sababo badan wiilashaas iyo gabdhahaas ugu biireen, kuwaa ugu biiray sababo dhaqaale awgood, kuwaa ugu biiray amni darada dalka ka jirta awgeed, kuwaa ugu biiray ciil ay qabaan oo la baday inay aarsadaan rabaan, kuwaa ugu biiray caqiido ahaan inay aamisan yihiin mabaa'diida Shabaab ay wataan, waxaas oo dhan ayay isugu jiraan, anaga waxaa dooneynaa in la kala qaado, intaas oo dhan mid walba sababta uu Shabaab u galay inaan baabi'ino rabnaa, kii intaas ay anfici weydo, oo ku qanci waayo fursad kale ma lahan in lala dagaalamo mooyee"ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aheyd fariintiisa u horeysay oo uu Al-Shabaab u diray tan iyo markii Madaxweynenimada loo dhaariyay.

Madaxweynaha ayaa mar uu soo hadal qaaday kuwa aan Soomaalida aheyn, gaar ahaan Ajaaniibta ka bar bar-dagaalanta ayuu sheegay in aanay jirin wax ka dhaceeya, ilaa ay dalka ka tagaan, isagoo ku eedeeyay inay yihiin kuwo caqiiqadada qaldan dalka keenay.

"Waxaa soo haray kuwa aan Soomaalida aheyn, waxa naga dhaxeeya ma jiraan, dalkan inay ka tagaan, dalal ayay leeyihiin dalalkooda ha aadaan, wax naga dhaxeeyo ma lahan, caqiido qaldan dadkii keenay waaye, farsamada dadka Soomaaliyed ku leynayaan kuwii keenay waaye ajnabiga cilaaqaad nagama dhaxeeyo aan aheyn, dalka inay ka baxaan, ninkii Shabaab ka tirsan hadii go'aan ku gaaro inuu ka soo noqdo aad iyo aad ayaa u soo dhoweyneynaa, waa la ixtiraamaa, lama xirayo lama ciqaabayo, waa la soo dhoweynaa mujtamiciisa ayuu karaamo uga dhex noolaanayaan"ayuu mar kale sii raaciyay hadalkiisa.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday Maxaabiista la sii daayo xilliyada munaasabadaha Ciidaha, iyo maalmaha Xornimada, isagoo xusay in hada iyo wixii ka dambeeya aanay dhici doonin in qof dambi leh in cafis Madaxweyne lagu sii daayo.

"Xilligan soo socda meesha waa ka baxday ama munaasabad qaran ha ahaato, hadii ay timaado daruufo rasmi ah oo qofka ama xanuun ama sabab kale awgeed ama xabsi aan ku sii jiri karin, kiis gooni waaye, qof fiyow oo dambigiisa qabo oo sidii shalay uu ku galay wali ah, qabiil hebel ama koox hebel la yiraahdo waxaan dhaceyn waayo, lama sii deynayo, Munaasabad ciidaha ama kowda luulyo waaye guud ahaan waa dhamaatay ninkii Maxkamada ay berri dil toogasho ku xukunto waa sideena aniga waa saxiixayaa, warkaas inuu cad yahay ayaa la rabaa in la ogaado"ayuu yiri Madaxweynaha cusub.

Shirkan jaraa'id ee uu qabtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu fariin adag ugu diro Al-Shabaab oo dhowaan sheegay in aysan waxba ku kala duwaneyn Madaxweynihii hore iyo Madaxweynahan cusub oo ay ku tilmaameen in dowladdo shisheeye ay wataan.

Mahad Ali Geesguud News Muqdisho  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash