GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Golaha Wasiiradda Puntland oo Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey

Golaha Wasiiradda Puntland oo Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey

Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiiradda ee maamulkaasi.

Wareegto maanta [15/09/2012] ka soo baxday xafiiska Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagu shaaciyey isku shaandheyntan lagu sameeyey golaha wasiiradda ee maamulka Puntland.

Waxaana xubnaha boosaskooda waayey ka mid ah;-

1- Caasho Geelle Diiriye (Wasiiradii haweenka oo gebi ahaan aan ku soo noqon xukuumadda) Waxaana booskeeda lagu bedelay Xaliimo Xasan Xaaji Cismaan.

2- Axmed Cali Askar (Wasiirkii warfaafinta oo gebi ahaan aan soo laaban), waxaana lagu bedelay Maxamuud Caydiid Ibraahim.

3- Xasan Faarax Jaamac "Geerash" (Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha oo aan soo laaban) waxaana lagu bedelay Cali Axmed Gamuute oo horey u ahaa wasiirka duulista hawada.

Sidoo kale waxaa booska baneeyay xubnaha kala ah; Cali Saalax Aadan, Cabdi Yaasiin Maxamed, Maxamuud Faarax Maxamuud iyo Faarax Seed Cilmi oo dhamaantood ahaa wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal.

Wasiirada aadka ugu dhow madaxweynaha oo aan la taaban

1- Wasiirka arimaha gudaha, Gen C/laahi Ilkajiir.
2- Wasiirka amniga, Khaliif Ciise Mudan.
3- Wasiirka waxbarashada, Cabdi Faarax Juxa.
4-Wasiirka maaliyada, Faarax Cali Shire.
5- Wasiirka caafimaadka, Dr Cali C/laahi Warsame.
6- Wasiirka dekedaha, Siciid Maxamed Raage.
7- Wasiirka qorsheynta, Daa’uud Maxamed Cumar.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dhowr mar waxa uu isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada ee maamulkaasi tan iyo markii uu xilka qabtay oo ahayd 8-dii January ee sanadkii 2009-kii.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash