GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweynaha cusub oo laga waday Hotelka Jazeera, loona wareejiyay Madaxtooyada Sababo Xaga Amaanka

Madaxweynaha cusub oo laga waday Hotelka Jazeera, loona wareejiyay Madaxtooyada Sababo Xaga Amaanka

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow laga saaray Hotelka uu degenaa ee Jazeera, kadib markii labo qarax oo ismiidamain maanta lagu weeraray, iyadoo Madaxweynaha loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha cusub ayaa waxaa Hotelka ugu tagay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, waxaana ay si wada jir ah ay u soo raaceen Gawaarida qaaska ah ee Madaxda dowladda ee astaanta Calanka leh, kuwaasoo aan xabadaha karin.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu tagay Hotelka nasiib daro ku tilmaamay isku haleel la'aanta xaga ammaanka, waxaana uu balan qaaday in Ammaankiisa uu sugi doono.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ay soo gelbiyeen Ciidamada gaarka ah ee ammaanka Madaxtooyada ku howlan, iyadoo haatan ay kulan leeyihiin Madaxweynihii hore iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Inkastoo Madaxweynaha cusub aanu si rasmi ah ula wareegin Madaxtooyada ayaa qorshaha ahaa marka la caleema saaro, isla markaana xilka uu wareejiyo Madaxweynihii hore uu la wareego Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxan ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotelka Jazeera ayaa ku soo beegmay, iyadoo qeybta kore ee Hotelka ay shir jaraa'id saxaafada ugu qabteen Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya iyo Madaxweynaha cusub oo ahaa ninka kaliya ee degenaanta ka muuqatay markii uu qaraxa dhacayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka is qarxinta, waxaana qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka lagu sheegay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay qasaare badan gaarsiiyeen cadawga.

Waa qaraxii u horeeyay ee Madaxweynaha cusub lagu weeraro muddo 48-saac kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha ee habeen hore ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash