GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Dekedda Muqdisho ayaa toddobaad xirneed muran

Dekedda Muqdisho ayaa toddobaad xirneed muran

Dekedda Muqdisho ayaa toddobaad xirneed muran soo kala dhex galay ganacsatada gobalka Banaadir iyo dowladda darteed.

Dekedda MugadishuMuranku ayaa waxaa uu salka ku hayaa dowladda oo dooneysa in badeecooyinka la dhigo bakhaarro si loo hubiyo in ay aamin yihiin.

Arrintaasi oo ganacsatadu ay u arkaan in lagu xanibayo badeecadahooda iyaga oo ku doodaya in ay dekedo caalami ah ka keeneen badeecadahooda laguna soo xaqiijiyey amaanka sida uu BBC u sheegay ganacsade Axmed Sheikh.

Wasiirka Lacagta, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa isagu waxaa uu BBC u sheegay in horey ay ganacsatada isugu afgarteen in bakhaar ladhigo badeecooyinka marka la soo dejiyo si loo hubiyo amaanka iyo in la canshuurayba, haatana laga doonayo ganacsatadu in ay howsha fududeeyaan.

Weli waxaa labada dhinac u socda kulamo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka.

 


Newsflash